Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti u Hogaaminayo oo London Kaga qaybgalaya shir ku saabsan Maalgashiga Somaliland+ SAWIRRO

0
747

Hargeysa , (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta u anbabaxay dalka Britain oo uu kaga qaybgallayo shir ganacsi oo dawladaasi u qabanayso.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qaybgallo shir arrimaha ganacsiga Somaliland lagaga hadlayo oo dawladda Ingiriisku qabanayso, taas oo uu xusay inay ku soo bandhigi doonaan baahiyahoodda.

DSC_0053

“Aniga iyo waftiga ila socda waxaanu tagi doonaa dalka Ingiriiska halkaas oo nalagu marti qaaday inaanu ka qayb galno shir ku saabsan maal gashiga Somaliland oo aan rajaynayo inuu wax weyn oo midho dhal u noqdo dalka iyo dadka somaliland.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo

DSC_0034

Waxaanu intaas raaciyey “Waanan ku faraxsanahay inaan ka qayb galno shirkaas halkaas oo aanu ugu soo bandhigi doono dawlada Ingiriiska iyo cida hogaaminaysa shirka waxyaalaha Somaliland ka suurta gala, baahiyaha dalka iyo waxa maalgashi u noqon kara, waxaanan rajaynayaa inuu shirkaasi noqdo mid waxtar weyn u yeesha maal gashiga Somaliland iyo in dhulkeena la maalgeliyo oo dhaqaalaheena la horu mariyo, waxaana ka qayb gali doono ganacsato badan iyo dad wax badan ka garanaya maal gashiga iyo maal qabeen waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid waxtar weyn u leh somaliland.”

DSC_0064

Mar wax laga waydiiyey shir caalami oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhowaan ka dhici doona Denmark inuu ka qaybggali doono iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Shirka Denmark iyada oo gooni loo soo casuumo mooyee shir aanu kaga qayb galayno anaga qayb Soomaaliya ka mid ahi ma jirto”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay doorashaddii wakhtigeeddii dhici doono, isla markaana ay diyaarinayaan qaabkii ugu fiicnaa ee ay doorashaddda sanadka dambe u dhici lahayd.

DSC_0119

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Ingiriiska ayaa shir arrimaha ganacsiga lagaga hadlayo u qabatay Somaliland badhtamaha bishan, taas oo ganacsi badan lagu casuumay.


Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY