Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Xalay Kulan Yeeshay

0
1458

siilaanyo-+-Muuse-biixiHargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay xalay yeeshay kulan toos ah tan iyo kulankoodii 24 June oo aanay natiijo ka soo bixin.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka xalay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo kulanka dalbaday, maadaama oo uu maanta dalka ka dhoofayo, waxaana ku weheliyay guddoomiye-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed. Sida uu warku sheegay kulanka wax go’aan ah lagagama gaadhin khilaafyadii sababay kala fogaanshaha labada masuul, waxase la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu madasha ka jeediyay hadalo waano u badnaa, isagoo codsaday in arrimaha taagan dhammayntooda loo dhigto soo noqoshadiisa, waxaanu tilmaamay inuu door biday inaanay isaga iyo Muuse Biixi ku kala tagin cadho siyaasi ah, maadaama oo uu maanta dibadda u baxayo.

Sida uu warku sheegay guddoomiye Muuse Biixi, oo isna halkaas hadalo kooban ka jeediyay ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay labada qodob ee uu madaxweynuhu soo bandhigay ee kala ah in tabashooyinka jira la xaliyo safarkiisa ka dib iyo inaanay labadooda oo waayo badan isla soo maray ku kala tagin weji dadab.

Warar kale oo faahfaahsan lagama hayo kulanka, laakiin kulankoodan ayaa kulamadii hore kaga duwanaa iyadoo aanay goob joog ahayn wasiirada oo inta badan kulamadii hore fadhiyi jiray, balse shalay ka maqnaa.

Khilaafka Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ayaa ka soo bilaabmay dhawaaqii murashaxnimo ee uu Muuse Biixi iclaamiyay, kaas oo sababay in Madaxweyne Siilaanyo ku qaado dagaal cir iyo dhul ah oo aakhirkii sababay in kooxo ganacsato ah oo ka soo jeeda Beesha Muuse Biixi ay ku qanciyaan Mr. Biixi inuu ka tanaasulo murashaxnimadiisa, taas oo uu Muusena ku dhawaaqay. Laakiin maalmo ka dib haddana waxa dib u istaadhmay khilaafkii, waana markii u horaysay ee ay Madaxweynaha iyo Muuse kulan toos ah yeeshaan ilaa 24 June. Muuse Biixi ayaan ka qayb gelin xafladii 26 June oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, taas oo ay dad badani tafsiirteen heerka uu khilaafku marayo.

Xigasho:Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here