Madaxweyne Obama oo Warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay danjiraha Somalia + SAWIRRO

0
1166

Obama_OmarWashington , (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa warqadihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Isniintii shalay ahayd danjiraha cusub ee dowladda Somalia ay u magacowday dhawaan dalka Mareykanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaddib xaflad ka dhacday Aqalka Cad.

Cumar C/rashiid ayaa horay u soo noqday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 2009-ka illaa 2010-ka, isgaoo noqonayaa danjirihii ugu horreeyay oo dowlad Soomaaliyeed ay u magacowdo Mareykanka in ka badan 23-sano.

“Tani waa arrin taariikh u ah xilligan adkeynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka,” ayuu yiri Cumar C/rashiid oo qaabilaaddiisa kaddib saxaafadda la hadlayay. Isagoo xusay in howsha ugu horreysa ee uu qabanayo ay tahay sidii uu furi lahaa xafiiska safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Mar uu la hadlayay VOA-da ayuu sheegay Cumar C/rashiid inuu si weyn ugu faraxsan yahay sida loo fududeeyay howsha magacaabiddiisa, ayna isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo bisha Ogoosto ee soo socota booqan doona Mareykanka ay kala hadli doonaan Barack Obama waxyaabaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ay doonayso in xilligan laga caawiyo.

“Howsha ugu horreysa ee aan qaban doonno waa sidii aan xafiiskii aanu ku shaqeyn lahayn u furi lahayn, una qori lahayn shaqaalihii ka shaqeyn lahaa safaaradd, markaas kaddib ayaan ka hadli doonnaa sababihii keenay in la iibiyo dhismihii safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka aan ku lahayn,” ayuu ku daray hadalkiisa Sharrma’arke.

Danjire Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo afar waddan oo kale isku mar laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, ayna tahay arrin uu aad ugu farxay in Soomaaliya ay danijre ku yeelato 23-sano kaddib dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacaabay danjiraha Somalia ee Mareyknaka, taasoo qayb ka ah xoojinta xiriirka labada dal, waxaana la filayaa sidoo kale in Mareyanka ay uu dhawaan safiir u soo magacaabo Soomaaliya.

Xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, isla markaana ah xildhibaanka keliya ee muslimka ah ee ku jira baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegay in Cumar C/rashiid uu saldhig u noqon doono dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

“Waxaan eegi doonnaa sida uu u shaqeeyo dajiraha cusub ee Somalia, sidoo kle waxaan filayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha u booqan doono Minneapolis oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badab. Waxaan kala shaqeyn doonnaa sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd, nabad, barwaaqo iyo inuu xiriirkeennu aad u adkaado,” ayuu yiri xildhibaan Keith Ellison.

Dalalka kale, Madaxweynaha Mareykanka, Obama ayaa danjirayaashii kale ee uu qaabilay waxay ka kala socdeen dalalka ; Ivory Cost, Siri-Lanka, Gini iyo Armeeniya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY