Madaxweyne Somaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum Ibraahim Ciise Buux Oo Ku Geeriyooday Boorama

0
856

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray golaha  Guurtida  Somaliland,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo maanta ku geeriyooday magaaladda Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

Sidaasina waxaa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu maanta soo saaray madaxweynaha Somaliland.

Waxaanay u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida.

Waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2019, Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Barlamaanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here