Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay Wefti Ka Socday Dawladda Federalka Itoobiya + SAWIRRO

0
1872

Hargeysa (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti wasiirro iyo diblomaasiyiin isugu jira oo ka socda dawladda Federal-ka Ethiopia, kuwaas oo booqasho ku jooga dalka.

Weftigan oo uu hoggaaminayo wasiirka gaadiidka dawladda Federalka Ethiopia Md. Axmed Shide, ayuu madaxweynuhu ku qaabilay xarunta qasriga madaxtooyada maanta, waxana ay labada dhinac ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa is-kaashiga iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawladda Fedel-ka Ethiopia.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isagu madaxweynaha ku wehelinayey kulankiisa, ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey waxyaabihii uu daarranaa kulankani, waxana isaga oo arrintaas ka warramaya uu yidhi, “Weftigani waxa ay madaxweynaha ugu yimaadeen salaam iyo hambalyo, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay, wuuna soo dhaweeyey, waxana uu farriin salaan ah u faray ra’isal wasaaraha Ethiopia, waxana uu xaqiijiyey inay halkii kasii socon doonto wada-shaqayntii soo jireenka ahayd, cilaaqeedkeenuna halkii buu kasii socon doonaa isaga oo sii adkaaday weliba.”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu kulan la qaatay wefti ka socday dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo dalka u yimi ka qaybgalka munaasibaddii uu xilka kula wareegay madaxweyne Muuse Biixi, waxana ay labada dhinac muddo saacado ah ku wada qaateen guriga madaxweynaha, iyaga oo iska xog-waraystay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dhinac ka dhexeeya.

Kulankan, ayaa kusoo dhammaaday jawi is-fahan, waxana ay dhinacyadu muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay meel sare gaadhsiiyaan wada-shaqayntooda.

LEAVE A REPLY