Madaxweyne Muuse Biixi Maka Soo Qayb Geli Doonaa Qalin Jebinta Jaamacadda ADMAS?

0
1397

Hargeysa, (HargeisaPress) –Sanad ba sanadka ka danbeeya dalka jamhuuriyadda Somaliland waxaa u soo baxa jiil jaamiciyiin ah oo ka qalin jebiya jaamacadaha dalka, isla markaana la jaan-qaada isbedeladda ka jira Geeska Afrika iyo dunidda inteedda kale.

Ardayda jaamacadaha dalka ka qalin jebiya waxay hammiga iyo hiigsiga maanka ku hayaan haddii aad qalin qalin jebinta dhigtay, waxaad maskaxda u maan-guurisaa helida shaqo mustaqbalkaaga iyo qoyskaaga wax tar u leh.

Hase yeeshee hamigaas dhalinyaradda qalin jebisa intooda badan ma hirgallo sababo badan iyo duruufo dhaqaale xumo oo dalka ka jira iyo kuw kaloo is biirsaday. Taasoo sababta in da’yar badan oo jaamcadaha dalka ka qalin jebiyay ay tahriib beegsadaan.

Sidoo kale sanadkasta marka la gaadho dabayaaqadiisa siiba bilaha October ilaa November, waxaa dhacda in xaflado qalin jebineed  maalmo  is daba jooga loo qabto boqolaal arday oo ka soo kala qalin jebiya jaamacadaha kala gedisan ee dalka.

Kuwaasoo guud ahaan tiradoodda marka la isku daro ay gaadhayso ilaa 5000 oo jaamiciyiin ah, oo soo bartay culuum kala gedisan,  isla markaana  heerarka aqoonta ay soo qaateen isugu jirto heerkoowaad (degree) iyo heerka labaad (master).

Isniinta soo socota ee todobaadkan ayaa la filayaa in la qabto xafladda qalin  jebinta ardayda jaamacadda Admas oo ka mida jaamcadaha ugu tayadda fiican xagga tacliin ee dalka ku yaala, waana dufcadii dufcadii 10-naad oo ay tiradoodu dhan  tahay ilaa 800 oo arday.

Hadaba su’aashu waxay tahay madaxweyne Biixi maka soo qayb geli doonaa xafladda qalin jebinta jaamacadda Admas? Sababtoo waxaa jirtay in  madaxweyne Biixi oo sanad wax ka yar hayay xilka madaxweyne-nimo ay noqonayso markii u horaysay ee uu isagoo madaxweyne ah ka soo qayb gallo munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisa jaamcadda Admas, haddiiba ay dhacdo.

Geesta kale waxaa jirtay in xafladii qalin jebinta jaamacadda Burco aanu madaxweynuhu tegin am aka qayb gelin, taasoo su’aalo badan keentay, isla markaana ay madaxtooyadu ka soo saartay xiligaas war-saxaafadeed ay ku sheegtay in aan lagu soo casuumin xafladaasi.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY