“Madaxweyne Muuse Biixi dadka la tartamayaa way dhaliilaan xabadna kuma rido, Farmaajona ma ogola dhaliilaha”..Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
73

Mugdisho, (HargeisaPress) –Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo muddo 10 Bilood kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, Isaagoona eedayn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka Soomaaliya ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in musharaxiinta mucaaridka ah ee la tartamaya ay dhaliili karaan oo aanu xabadna ku ridin, laakiin madaxweyne Farmaajo aanu ogolayn dhaliilaha loo jeediyo.

LEAVE A REPLY