Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee DDS Oo Ka Hadlay Isbedelka Ka Dhacay Jig-jiga

0
1059

Jigjiga (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku xigeenkii maamulkii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii u horaysay tan iyo markii xukuumadii uu ka tirsanaa dhacday waxa uu ka hadlay xaaladda degaankaasi ee wakhtigan iyo xiligii hore.

C/xakiin Cigaal Cumar, waxa uu sheegay in xiligii maamulkii uu ka tirsanaa ay talada hayeen in ay wax badan oo horumar ah ka qabteen meello ka tirsan degaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa markii u horaysay oo uu meel fagaare ah hadal ka jeediyo C/xakiin Cigaal Cumar, wixii ka danbeeyay tan iyo markii xilka laga qaaday xukuumadii hore Cabdi Muxumed Cumar, oo isagu hada xabsi ku jira.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dooday in dhul aan weligood wax adeegyadda arrimaha bulshadda la xidhiidha laga qaban ay ka fuliyeen cusbitaallo, ceel biyood, dugsiyo waxbarasho iyo waxyaabo kale.

Daawo C/xakiin Cigaal Oo Arrimahaas iyo Qodobo kale Ka Waramaya:

https://youtu.be/KVHscgy8oIE

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY