Madaxweyne ku xigeenka Somalilnad oo salaada ciida la tukaday shacabka Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1315

ciida hargeisa4Hargeysa,(HargeisaPress) — Dadweynaha ku nool dhamaan goboladda Somaliland, ayaa si balaadhan loogu ciidday ciidal fidriga, kuwaas oo saaka waaberigii u dareeray goobaha loogu tallogalay in lagu oogo salaadda ciida.

Waxa saaka wadooyinka dhex lugayanayey qaarkood gaadiid lagu siday caruur wada faraxsan oo wajiyadoodu ka muuqatay dareenka ciidda Islaamka, kuwaas oo xidhnaa dhawr cusub, isla markaana ku ciyaarayey qalabka caruurta ku madadaashadaan maalmahan oo kale.

ciida hargeisa2

Sidoo kale, dadka waaweyn oo qudhoodu aan ka dhicin caruurta CIidda ayaa ku labisnaa dhar qurux badan oo ay ugu tallogaleen in maalinta farxadda ah, kuwaas oo isku salaamayey ciid mubaarak iyo saamaxnaa kum, iyagoo wejigoodda ka muuqdaan farxad badan, kuwaas oo is wada gacan qaadayey.

Ciiddan oo ahayd tii soonfur, isla markaana laga soo baxay bil cibaado, Quraan akhris iyo alla ka cabsi badan lagu jiray ayaa loogu dabaaldegayaa sodanka cishe ee laga somaana cuntadda iyo raashinkii la quudan jiray maalinimada si loo dareemo gaajadda ay wehelka u yihiin boqolaal muslimiin ah oo danyar ah,isla markaana loo badiyo wax bixinta iyo iyo sadaqadda si aakhiro wax loogu meel dhigto.

ciida hargeisa4

Magaaladda Hargeysa ayaa lagu tukadday goobo faro badan iyo fagarayaasha garoomada kubadda Cagta, kuwaas oo ay kala qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu hor socdo madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo isagu dadweynaha reer Hargeysa kula tukaday masjidul jaamaca magaaladda ee ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somalilnad C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa hambalyo u diray caalamka islaamka, isla markaana shacabka Somaliland hambalyo ciida soonfur hawadda u marayey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabadgalyo iyo caafimaad.

“Muddo 23 sanadood ah ayuu qarankani soo jiray dedaal adag ayuu soo galay, gacmihiisana wuu isku taagay isaga oo aan wax taageero ah ka helin caalamka, walina waxa inoo dhiman waddo dheer oo ah himilada aynu higsanayno ee ah inaynu gaadhno qaran madax banaan, taasina waxay ku imanaysaa dedaal dheer, wada jirkeena, wax wada qabsigeena iyo inaga oo dhinac u wada jeedsana,”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo khudbad ka jeediyey salaaddii ciida ka bacdi.

Waxaanu intas ku daray “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa laynoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa, bina aadanka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayana wax way ka qaldani doonaan laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.”

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka hadlay gumaadka ka socda Falastiin, waxaanu cambaareeyey dagaalka ka socda dhulka Falastiin.

“Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuudu kula kacayso shacabka reer Falastiin.Waxaynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa inagu waajib ah inaynu dhibaatada la dareeno. Waa dad muslimiin ah oo walaalaheen ah, waynu u ducaynaynaa in Illaahay dhibaatada ka dul qaado” ayuu yidhi Saylici oo ka hadlayey xasuuqa ka socda Falastiin.

“Waxaan leenahay dadka maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha ha laga daayo,waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo . Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee umada reer falastiin lagu hayo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland iyo guud ahaan caalamka Islaam ayaa maanta si wanaagsan loogu ciiday, waxaana leeyahay sanadkan sanadkiisa ilaahay ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo nabadgalyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here