Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Chines Ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan + SAWIRRO

0
1578
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ganacsato Jayniis ah

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ganacsato Jayniis ah, oo doonaya inay Somaliland maalgashadaan.

Ganacsatadan oo ka socotay shirkad balaadhan oo lagu magacaabo Richway Greenergy oo ka shaqaysa dhalinta korontada iyo biyaha ayaa sheegay inay danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland, iyaga oo Madaxweyne ku xigeenkana ka hadlay daraasado ku aadan maalgashigaasi oo ay wadaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada warshadaha Somaliland Mudane Yuusuf Cismaan Garas oo Madaxweyne ku xigeenka kulankaasi ku wehelinayey ayaa ka hadlay muhiima shirkaasi waxaanu yidhi “Maanta waxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu la kulmay wefti aanu keenay oo ka socday China gaar ahaan shirkadaha dalkaasi ee gaarka loo leeyahay shirkadaas oo la yidhaahdo Richway Greenergy waa shirkad dunida maal gashi fiican ku samaysay dalal fara badan oo dunida ah ayay mashaariic ku leeyihiin, waftiga waxa hogaaminaayay guddomiyaha shirkadaasi Oliver Liu waa shirkado isu tagay oo haysta maalgalin gaadhaysa 50 Malyuun oo dollar,  hadii ay ku qancaan daraasada ay ka wadaan Somaliland oo laba meelood ah biyaha iyo laydhka, waxay aad u danaynayaan inay laydh ka dhaliyaan khashinka iyo in ay biyaha laydh ka dhaliyaan taas oo ay bilaabeenba, dhuxul dhagaxda ayay iyadana darasad ka wadaan.

Madaxwayne ku-xigeenka waxa ay waftigani kala hadleen sidii ay maalgashigoodu damaanad u heli lahaa, madaxwayne ku-xigeenkuna waxa uu sheegay in dalka ay joogaan shirkado caalami ah oo ay DP WORLD iyo Coca-Cola ka mid yihiin maal-gashigooduna uu damaanad heli doonto.”

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY