Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo soo Gabogabeeyey Shirkii Hay’adaha Maaliyadda ee lagu Qabtay Hargeysa + SAWIRRO

0
759

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo gabogabeeyey  Shirkii lagu gorfaynayey horumarinta hay’addaha maaliyaddeed ee dalka, kaasi oo muddo laba maalmood ah ka socday Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibrahim Jaaamac (Baqdaadi) oo halkaasi ka hadlay ayaa akhriyey qodobbadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay shirkaasi uu maalintii shalay ahayd daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo laysugu keenay aqoonyahanno fara-badan kuwaasoo naaqishay hannaanka Baananka iyo Shirkadaha Maaliyada ee ku sugan Somaliland, waxaana uu Gudoomiyahu Warbaahinta la wadaagay maxsuulka kasoo baxay shirkaasi oo ka koobnaa dhawr qodob.

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada tashi laga yeesho horumarinta guud ahaanba dhaqaalaha waddanka si kor loogu qaado nolosha muwaadiniinta Somaliland, sidoo kalena loo korin lahaa guud ahaanba dhaqaalaha waddanka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan saylici waxa uu fariin u diray Shirkadaha waa weyn ee dalka kuwaasi oo uu ugu baaqay inay sameeyaan maalgashiyo waa weyn oo warshadeed, islamarkaana ay abuuraan shaqo abuur dhalinyaro si looga hortago shaqo yarida dhalinyarada Somaliland haysa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA

LEAVE A REPLY