Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Magaaladda Tuka-raq, Daawooyinna Gaadhsiiyay Iyo Waxgaradka Degaanka Oo Puntland Ku Eedeeyey Waxqabad La’aan.

0
1208

Tuka-rag, (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo wefti oo hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool, Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq ayaa ka waramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka Tuka-raq oo aanay hore u gaadhin dawladnimada Somaliland.

Caaqil Faysal Muuse Diiriye, Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabbe  iyo Caaqil Maxamud Axmed Ducaale (Wilyan) oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi ayaa ku dheeraaday baahiyaha deegaanka Tuka-raq iyo Xaaladda deegaanka guud ahaanba.

Odayaasha deegaankani ayaa maamulkii hore ee Puntland ku sifeeyay dhiigmiirato aan bulshada Tuka-raq kusoo celin cashuuraha ka soo xerooda Kastamka Tuka-raq balse waxa ay sheegeen in lacagtaasi lagu dhisi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda  horumarinta khayraad biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa si wadajir ah u balanqaaday inay Xukumadda Somaliland  wax ka qaban doonto baahiyaha isbiirsaday ee degmada Tuka-raq.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa isna balanqaaday in dayactir lagu sameyn doonno dugsiga deegaanka Tuka-raq loonna dhisi doonno goob caafimaad oo MCH ah, taasi oo ay yeelan doonto magaaladda Tuka-raq waxaannu yidhi “ Waxaa aan balan qaadaynaa in MCH-gan la weyneeyo oo qaybtii dhalaanka iyo  umulaha lagu kordhiyo, Waxaannu kale oo aanu u sidnaa dawooyin ay noogu deeqday hay’adda ARC oo runtii gobolka sool wax badan nalaga qabatay ”.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici   ayaa daawooyin loogu talo galay ka hor taga shubanka iyo daawooyin kale ku wareejiyay  maamulka caafimaadka ee deegaanka Tuka-raq kuwaasi oo ay ku deeqday hay’adda ARC.

Gebagebaddii Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed kuwaasi oo ay ka mid yihiin MCH-ka Tuka-raq iyo dayactir lagu samayn doonno   dugsiga hoose ee deegaanka tuka-raq.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY