Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo la Shiray Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation + SAWIRRO

0
493
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo la kulmay Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta madaxtooyada ku qaabiley Laba Hay’adood oo kala ah Fair Fishing iyo Transfigure Foundation oo ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga.

Sida lagu sheegay war laga soo saaray kulankaas oo soo gaadhay Wakaallada Wararka ee SOLNA, waxa shirka  Madaxweyne ku xigeenku la yeeshay labadaas hay’adood  ujeeddoodu  aheyd sidii loo dardar gelin lahaa loona diyaarin lahaa qabsoomida Carwada Kalluumaysiga Somaliland ee Sannadkiiba mar lagu qabto dalka, laguna soo bandhigo wax-soo saarka Kalluunka, oo ay ka wada shaqeeyaan hay’adda Fair Fishing iyo Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland.

Dhinaca kale hay’adda Transfigure Foundation oo iyagu ah hay’ad ku cusub dalka una timid sidii ay u indho-indhayn laheyd wax soo saarka kalluumaysiga ayey madaxweyne ku xigeenka ka wada hadleen sidii ay xog dheeraada uga heli lahaayeen waxa soo saarka dalka ee dhinaca kalluunka, iyagoo danaynaya inay dalka soo degaan kana hawl-galaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu labada hay’adood ku dhiirigeliyey inay xooga saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen kalluumaysatada iyo wax soo saarka khayraadka baddaha.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY