Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan xog-waraysi ah la qaatay Masuuliyiinta Barnaamijka Casriyeynta Caasimadda (GIS/WORK FLOW SYSTEMS) + SAWIRRO

0
1766

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Maayarka caasimadda ahna Maayar ku-xigeenka Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo Masuuliyiinta Shirkadda GEOSOL oo uu hoggaaminayay La-taliyaha guud ee Mashruuca Casriyeynta Caasimadda Mudane Ibraahim Yuusuf Ciise waxaa kale oo kulanka ku wehelinayay Maxamed Jaamac Meygaag oo ah ISKU-XIDHAHA Mashruuca ee Dawladda Hoose iyo Shirkadda GEOSOL iyo khubaro Ajanabi ah oo mashruuca diyaarintiisa iyo fulintiisa ba qeyb ka ah.

Mashruucan Casriyeynta caasimadda oo uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 26.03.2018-kii, diyaarintiisa iyo hir-gelintiisana uu bilaabmay bishii May ee sannadkii hore. Mashruucan oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka taageeraya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin in nidaamka imika ay isticmaasho ee u badan MANUAL loo baddalo nidaam casri ah oo la jaan-qaadaya caalamka. Waxaa kale oo uu mashruucani ka caawinayaa Dawladda hoose ee Hargeysa hagaajinta nidaamka magaalooyinka ee loo yaqaanno GIS oo u sahli doonta in si sahlan ay u adeegsadaan wasaaradaha iyo dhamaan hay’adaha kale ee dawliga ah ama gaarka loo leeyahay dhamaan adeeg bixiyayaasha sida, laydhka, biyaha, tilifoonada iyo is-gaadhsiinta. Waxaa kale oo uu mashruucu ka caawinayaa dawlada hoose ee Hargeysa in caasimadu yeelato CADASTRAL MAP iyo ZIP CODE, POSTAL CODE oo qofka qurbaha joogaa uu si fudud ugu soo diri karo alaabo, si fudud na ay ugu soo gaadhi doonto isagoo gurigiisa jooga. Waxaa kale oo uu mashruuca qeyb muhiim ah ka ah nootaayooyinka, maxkamadaha iyo baananka oo dhamaantood ka qeyb qaadan doona waxaana la siin doonaa qalab ay ku garan karaan dhulkan ay xukumayaan, ama kala iibinayaan ama damaanad ahaanta uu baanku u qaadanayo inuu yahay dhul rasmi ah oo aan lagu muran-sanayn, rahmanayn, ama aan xayirnayn. Waxaa kale oo uu mashruucani ka taageeri doonaa Dawladda hoose samaynta shahaado MULKIYAD DHUL BANAAN AMA DHISME oo aan la DHALAN-ROGI Karin, sidoo kale na leh number sir ah oo aan sifo kale loogu adeegsan Karin, Dhamaan dadweynaha caasimaddana u ah fursad dahabi ah oo ay kaga raysan doonaan faylkii tobanaanka waraaqadoo ka koobnaa.

Kulankan oo daba-socday furitaankii iyo daah-furkii uu madaxweynuhu u sameeyay sanadkii hore ayaa uu madaxweyne ku xigeenku kaga waraysanayay wixii u qabsoomay iyo qorshayaasha mustaqbalka dhaw. La-taliyaha guud ee mashruuca Ibraahim ayaa u sharraxay madaxweyne ku xigeenka guulaha uu mashruucu gaadhay 10-kaa bilood ee uu u socday isagoo u sheegay in ay shirkad ahaan diyaariyeen dhamaan wixii looga baahnaa ee ay adeegga Dawladda hoose u noqon lahaa mid fudud oo ay qorsheeyeen in sharciyeynta dhulku uu qaadan doono muddo aan ka badneyn 6 cisho, waxaana u sahli doona nidaamkan cusub ee shirkaddu ay ka caawisay Dawladda hoose. Waxaa isaguna kulanka si faah-faahsan uga hadlay kusimaha maayarka ahna maayar ku xigeenka caasimadda Mudane Cabdicasiis Caga-weyne oo isagu si faah-faahsan uga war-bixiyay muddadii koobnayd ee mashruucu ka shaqaynayay Dawladda hoose iyo guulada la taaban karo ee ay ka sameeyeen isagoo xusay in maanta ay caasimaddu leedahay hab casri oo ay u shaqayso oo nidaamkan ay imika isticmaalayaan ay uga horeysay oo kaliya dalka Ruwanda taasina u tahay sharaf caasimadda iyo guud ahaanba jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana uu Maayar ku xigeenku ballan-qaaday inay hirgelin doonaan oo ay wakhti dhaw adeegyada Dawladda hoose noqon doonaan mid si sahlan loogu adeego dadwaynaha ku nool caasimadda. Waxaa kale oo uu Mudane Cabdicasiis sheegay inay ka gole-deegaan ahaan ka go’an tahay inay ka guul-gaadhaan nidaamkan casriga ah. Waxaa kale oo uu ammaanay hawsha baaxadda leh ee ay shirkadda GEOSOL ka qabatay caasimadda muddadii koobnayd ee ay ka hawl-galayeen.

Ugu dambeynna waxaa hadalka qaatay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ugu horeyn bogaadiyay shirkadda barnaamijkan soo diyaarisay una jeedisay ee Dawladda hoose na ka cawinaysa inay noqoto caasimad casri ah, waxaa uu madaxweyne ku xigeenku ku booriyay masuuliyiinta Dawladda hoose inay ka faaiidaystaan mashruucan aad ka u ballaadhan ee shirkaddu ka fulinayso. Waxaa kale oo uu madaxweyne ku xigeenku sheegay inay nidaamkan u baahan yihiin dhamaan dawladaha hoose ee dalka ka jira.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here