Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka EU-da

0
979

Brussels, (HargeisaPress) – Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo safar shaqo ku jooga dalka Belgium ayaa magaaladda Brussels kulamo kula yeeshay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ururka midawga Yurub.

Waxaana xarunta baarlamaanka ururka midawga Yurub ee magaaladda Brussels ku soo dhaweeyay xildhibaano ururkaas ka tirsan, iyadoo uu wehelinayay safiirka Somaliland ee Belgium danjire Maxamuud Cabdi Dacar iyo Ambassador Kaysar C/laahi.

Waxyaabihii kulankaas la iskula soo qaaday kaalmadda dhaqaale ee ururka midawga Yurub siiyo Somaliland iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ay EU-du ka hirgeliso Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa xildhibaanadan ka tirsan baarlamaanka ururka midawga Yurub, waxa uu kala hadlay qadiyadda iyo madax banaanidda Somaliland iyo sidii ay Somaliland gacan uga siin lahaayeen in ay aqoonsi hesho.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here