Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddida Qaran Ee Abaaraha Iyo Hay’adaha Caalamiga Ah Ee Dalka Ku Sugan Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay+ SAWIRRO

0
965

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qabtay kulan balaadhan oo laga hadlayey dardar galinta gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Kulankaasi oo ay ka qayb galeen dhinacyada kala ah, Guddida taakulaynta abaaraha, Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan oo ay horkacaysay hay’ada UNOCHA iyo daneeyayaal kale ayaa markii uu dhamaaday waxa la shaaciyey qodobada laga wada hadlay.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo kulankaasi gudoominayey ayaa kulanka ka dib la hadlay Saxaafada isaga oo shaaciyey in lays la qaatay in la mideeyo gurmadka Xukuumadda iyo guddida abaaruhu ay wadaan iyo gurmada ah Hay;adaha caalamiga ahi wadaan, isla markaan la samayn doono guddi wada jir ah oo arintaaasi ka hawl gasha.

Mudane Saylici ayaa sidoo kalena meesha ka saaray in guddida Abaaruhu aanay waxba qadan oo ay fadhiid noqdeen isaga oo wararkaasina ku tilmaamay kuwo dayaacad ah oo aan waxba ka jirin waxaanu yidhi  “ Maanta waxaanu kulan u qabanay dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland, kuna hawlan gargaarka bani-aadamnimo iyo horumarinta, iyadoo xaaladii abaaruhu ay ka sii darayaan runtii duruufo adagna uu dalku sii galayo, waxaanu isugu yeeedhnay dhamaan hay’adihii dalka joogay, laba dhinac ayaanu ahayn, guddigii qaran ee taakulaynta abaaraha iyo UNOCHA oo iyaduna midaysa hay’adaha gargaarka.”

Madaxweyne Ku xigeen Saylici ayaa  yidhi “ Ujeedada aanu maanta isugu yeedhnay laba arrimood ayaa u muhiimsanaa, in aynu marka hore ogaano ilaa hada wixii inoo qabsoomay, iyo cid waliba waxa ay qabatay, in aynu warbixin kala helo, iyo mid labaad oo ahayd maadaama oo ay xaaladi sii adkaatay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wada-socod la sameeyo oo aan is barbar yaac badani dhicin si dadkii baahnaa ee biyo, cuno  iyo caafimaad u baahan, si isku mid ah loo wada gaadho, oo baahida si looga wada jawaabo. waxaanu ka wada tashanay sidii loo loo midayn lahaa gurmadka, maanta wixii ka dambeeya in gurmadkii heer  qaran ee dawladdu masuulka ka ahayd, iyo gurmadkii ay hay’aduhu bixinayeen in  la mideeyo. Qaranku resource-ka  (ilaha) uu hayaa waa kan uu hantida dawlada la bixinayo, iyo kan dadka laga soo ururiyey gudo iyo dibad-ba, labadaa ilood iyo wixii kale ee  ka yimaada dawladdaha aynu saaxiibka nahay ayuu hayaa, intaaba waxaanu rabaa in meel kaliya lagu mideeyo, taa waanu isla qaadanay hay’adaha in la sameeyo koox wada-jir ah oo hawshaasi gurmadka degdega ah iyo xaaladahaasi sii xumaanaya ee degdeg ah si wada jir ah uga shaqeeya, oo la gaadho gobolada dalka bari ilaa galbeed, haba la kala darnaadee.”

Mudane, Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Arinta labaad waxa weeye guddida taakulada abaaruhu way sanad jirsadatay, waxa la abuuray sanadkii hore ee 2016kii bishii labaad, oo hada laga sanad laga joogo, mudadaa la abuuray ilaa hada hawl adag ayey gacanta ku haysay, waxa jirtay wakhti yar oo roob da’ay oo la kala nastay, sanadkii hore hawshu galbeed ayey ahayd sanadkan markii Gu’gii yaraaday waxa culayskii la saaray afarta gobol ee bariga.”

Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa sidoo kalena sharaxay hawlaha loo xilsaaray gudiga qaran ee taakulaynta abaaraha ee uu gudoomiyaha ka yahay waxaanu yihi “ Guddidu waxay ahayd inay laba arrimood qabato, inay qaadhaan ururso oo dadka muxsiniinta ah ee ganacsatada ah, iyo qurba-joogta ah-ba in abaabul dhaqaale ururineed la sameeyo, iyo inay lacagtii qaranka lagu daro oo lagu gurmado, waxaad moodaa uun in dacaayad uun layska sameeyo, maalinta la maqlo ee warbaahinta laga arko hay’ad ama hebel ayaa bixiyey lacag konton kun oo doolar ah, waxay warbaahintu ku ladhaan waxa guddigii taakulaynta abaaraha loo dhiibay lacag kontan kun oo doolar ah iyadoo intii hore meel la mariyey aan la garanaynin.  waxa nasiib daro ah in dadka hadh iyo habeen u heelan hawshaasi, ee culimo leh, ee ganacsato leh, ee masuuliyiin dawladda ah leh ee dhibaatadaasi damqayso ee u heelan in dhaleecayn uun ay dadkeena ka noqoto arrintaasi waa nasiib daro. Waxaanu halkan ka sheegaynaa in mudadii u damayanays laga soo qaado bishii kaw iyo tobonaad ilaa hada hawl badan la qabtay, raashin badana la qaybiyey, mid laynagu caawiyey oo aynu gaadiidkii bixinay, mid la innagu caawiyey oo gaadiidkiiba na socday iyo mid aynu innagu iibinay, marka intaas laysku daro ilaa hada waxa la qaybiyey raashin gaadhnaya Boqol iyo laba iyo kontan kun (152, 000) oo qoys, marka aan lagu darin kunka iyo labada kun ee qoys raashinka gaadhaya ee hay’adaha Islaamigu bixiyaan.”

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kalena baaq u diray dadweynaha gudo iyo dibada isaga oo ugu baaqay inay joogteeyaan qaadhaanka gurmadka Abaaraha waxaanu yidhi “ Waxaas oo dhan waa xil dadkii loo igmaday saaran, habeen iyo dharaarna loo foogan yahay, waxaan Ummadda reer Somaliland u sheegayaa in waxaasi oo jira in hada wadanku balaahdan yahay meel aanay waxba gadhina la waayi maayo, laakiin intii guddidu ay dadaalaysay waa la dadaalay, hawla fari kama qodna, hay’adihiina dhaqaale daro ayaa haysa oo way soo qaateen, oo waataa maqasheen oo lacag la’aani ay hayso, innaga dhexdheena gudo iyo dibada waxa laynaga rabaa inaynu qaadhaankii wadno, waayo xaaladii way sii adkaatay, ILAHAY kama dhigee hada hadaan LAHAY roob inoo keenin waxa dhici karta in ummaddu ay toolooyinka isa soo tubaan. Anniga oo ah madaxii guddida taakulaynta abaaraha waxaan Ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa in aan gurmadku innaga joogsan gudo iyo dibadna oo qaadhaan ururintii la wado, Annaguna waxaanu idinka balan qaadaynaa in waxaasi Ummadii loogu talo galay iyo shacbigii baahnaa in uu gaadhayo, ayaanu hortiina ka balan qaadaynaa, dadka muxsiniinta ahi in aanay ku jaah wareejin guddidii intii horeba meel ay marisay lama hayo.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Madaxweyne ku xigeenku isaga oo ah ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland isla markaana ka damqanaya dhibaatada ina haysata, waxa uu ina faray in aynu iclaamino salaad roob doon ah, maalinta Axada soo socota oo bishu ay tahay 26/ February  In aynu u soo baxno masaajiada iyo goobaha lagu tukan jiray salaadaha, oo aynu ILAHAY barino, oo aynu ILAHAY u koobadkeeno.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY