Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay + SAWIRRO

0
1093

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa maalintii Maanta caasimadda Hargeysa si balaadhan loogu dabaal-degay munaasibadda xuska maalinta qaran ee dhallinyarada adduunka oo markii 16-aad laga xusay dunidda, taas oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Daladda dhallinyarada heer qaran ee SONYO iyo Ururka waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER.

Munaasibadan oo si qurux baddan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Guuleed Hotel,  waxaana ka soo qeyb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Muj. Cabdiraxmaan Aw. Cali Faarax, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha  Bulshadda, Wasiirka  Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tignoolajiyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Guddoomiyaha Daladda SONYO, Agaasimaha Dalladda Nagaad, dhallinyarada aqoonyahanka, ardayda wax ka barata jaamacaddaha iyo dugsiyadda kala duwan, Ururadda dhallinyarada, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo marti sharaf kale.

Xuska maalintan qaran ee dhallinyarada adduunka oo sannad walba xilligan laga xuso caalamka oo dhan, ayaa waxaa hal-ku-dhiga sannadkan loo qaatay ‘Dhallinyaroy nabadu waa guul”. Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda dhallinyarada heer qaran ee SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax iyo  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana ay ka warbixiyeen munaasibadan iyo doorka horumarineed ee dhallinyarada dalku ku sugan yihiin, iyaga oo sidoo kalena ka hadlay caqabadaha ku gedaaman.

Masuuliyiintan ka oo sidoo kale ku hadlayay afka qaban-qaabiyeyaasha munaasibaddan xuska maalinta qaran ee dhallinyarada adduunka, waxaana ay uga mahad-naqeen hay’addaha kala ah UNFPA, SOS CHILDREN’S VILLAGES SOMALILAND, Save the Children, Oxfam iyo EUROPEAN COMMISION kuwaas oo gacan ka geystay qabsoomidda munaasibaddan qurxoon ee u gaarka ah guud ahaan dhallinyarada Jahmhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw. Cali Faarax oo mubaasibadan khudbad dhinacyo baddan taabanaysa ka jeediyay ayaa si qoto dheer ula dardaarmay guud ahaanba dhallinyaradii goobta fadhiday, waxa uu sidoo kale uu soo ban-dhigay waxyaabaha aasaaska u ah horumarka dhallinyarada.

Kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee SOCSA ayaa si weyn uga dhex muuqday munaasibadan, halka ruwaayad qiimo leh oo goobta ay ku soo ban-dhigeen koox uu hogaaminayay Abwaanka weyn ee Axmed Saleebaan Bidde, taas oo ka turjumaysay sida ugu wanaagsan ee ay dhallinyaradu dhaqankooda u ilaashan lahaayeen iyo doorka ay uga qeyb-qaadan karaan adkeynta nabad-gelyada iyo horumarka dalka.

Masuuliyiintii kale ee halkaas ka hadlay ayaa iyaguna ku dheeraaday xuska munaasibada qaran ee maalinta dhallinyarada adduunka iyo kaalinta dhallinyarada dalku ay ka qeyb qaatan, iyaga oo sidoo kalena ku boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Dalladda dhallinyarada heer qaran ee SONYO iyo Ururka Somaliland Y-PEER oo si wada jir ah u soo wada qaban-qaabiyey.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa Hambalyo u diray guud ahaanba dhallinyarada Somaliland, waxa uu sidoo kalena uu kula dardaarmay dhallinyarada reer Somaliland inay ka fogaadaan Tahriibka, Balwadaha, iyo Qabyaaladda, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sii xoojinta nabadda iyo horumarinta dalka.

Gaba-gabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo gunaanaday munaasibadan maalinta dhallinyarada adduunka, waxaana hadaladii uu halkaasi ka soo jeediyey oo ahaa kuwo dhinacyo baddan, isaga oo ugu horeyn ugu hambalyeeyay dhallinyarada Somaliland xuska maalinta dhallinyarada adduunka. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhallinyarada dalka ugu baaqay inay iska ilaaliyan tahriibka iyo wixii mustaqbalkooda dilaya, oo ay qabyaaladu ka mid tahay, waxaana uu hadalkiisi ku soo gunaanaday in dhallinyaradu ay tahay sharafta iyo awooda dal kasta uu horumarkiisa ku gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here