Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Tacliinta Sare

0
708

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay shirwaynaha qaran ee tacliinta sare.

Shirkaasoo  socon doona mudo laba maal-mood ah ayaa lagaga doodi doono sidii loosii tayan lahaa waxbarashada sare ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabo-gabadii shirweynahaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay sidii loo tayan lahaa waxbarashada guud ahaan qaranka Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka.

Waxaanu yidhi  “Waxaan jecelahay in aan jaamacaddaha usoo jeediyo inay ilaaliyaan tayada waxbarashada, waa muhiim in waxbarashada aynu tayasanno.

Qaranka  ayay muhiim u tahay, annaguna insha Allaah waanu idin kala qayb qaadanaynaa barnaamijkan oo kale”.

 

Gudoomiyaha Guddida tacliinta sare oo khudbad ka jeediyay shirweynahan ayaa sheegay in ay lagaga wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa tayada waxbarashada Somaliland.

Jaamacadaha na loogu kormeeri lahaa sidii ay u ilaalin lahaayeen tayadda ardayda jaamacadaha ku jirta islamarkaana aanay eegin uun tiradda.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Mudane Cismaan Aadan Jaamac ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan samaysteen qorshayaal lagu kobcinayo laguna horumarinayo waxbarashada sare ee Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka.

“Annagu ka wasaarad ahaan waxaanu samaysanay qorshayaal, waxaanu ka shirnaa oo aanu wakhti gelinaa tayada tacliinta guud.

Waxaanan u mahad celinayaa cid kasta oo nagala qayb qaadanaysa arrimahaas” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here