Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
853

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminaayo  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Kadib  markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub.

Dalalka uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland safarka ku soo maray waxaa ka mid ahaa Ingiriiska iyo Belgium, iyadoo uu dalka UK kaga qayb galay shir-weynihii jaaliyadaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka  waxaa  gegida diyaaradaha magaaladda Hargaysa ku soo dhaweeyay, maayar ku xigeenka caasimada Hargaysa, wasiirro, agaasimaha madaxtooyada masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa wadamada uu maray kula kulmay masuuliyiinta baarlamanka ee UK iyo Belguim, waxaanu kala hadlay cilaaqaadka ay wadamadaasi la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo a waramaya midhaha socdaalkiisa qaarada Yurub.

Daawo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Faahfaahinaya Safarkiisa:

Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo qayb ka ahayd wafdiga madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegtay in baarlamanka Uk iyo ka guud ee midawga yurub-ba ay isla soo qaateen sidii loosii laban laabi lahaa xidhiidhka Somaliland iyo qaaradda Yurub.

Sidoo  kale waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud warsame Jaamac, maayar ku xigeenka Caasimada, Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyey halkaasi.

Socdaalkan madaxweyne ku-xigeenka ayaa noqonaya safarkiisii shaqo ee ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadamada yurub tan iyo markii dib loogu doortay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here