Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dadweynaha Burco Kala Qayb Galay Xuska 18-ka May Iyo Khudbadii Uu U Jeediyey + SAWIRRO

0
1303

Burco, (HargeisaPress) —Wafti uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Cabdikariim Axmed Xinif, ayaa Shacabka Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco kala qeyb galay Xuska sanad guurada 27aad ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku xigeenka JSL oo shacabka reer Togdheer kala hadlay fagaare ayaa u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaana uu ka sheekeeyey qiimaha ay maalintani ku leedahay guud ahaan qaranka Somaliland, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shacabka Somaliland gaar ahaana kuwa reer Burco uga mahad celiyey dhoola tuska ay sameeyeen xuska maalintan qaran, sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ciidamada qaranka ee iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday waxaana uu shaaca ka qaaday inay Ciidamada Qaranka ku qabaan Kalsooni buuxda kuna filan yihiin difaaca qarankooda.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) markii uu kasoo laabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa uu la kulmay Shil gaadhi oo ka dhacay Tuulada Laalays, halkaasi oo uu Madaxweynuhu booqday dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay islamarkaana uu u fidiyey gargaar iyadoo uu goobta isna ku sugnaa Wasiirkii Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here