Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Buuhoodle kaga Dhawaaqay Dagaal Cusub & Jawaabta Somaliland

0
1362

Buuhoodle , (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa Maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas, isla markaana waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalka uu ku yimi Buuhoodle yahay inuu doonayo Calaf iyo Ciidan Puntland ka rabto Reer Buuhoodle, waxaanu ballan-qaaday inaanu istaagi doonin dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee dhawaan ka bilaabmay deegaannada Tuko-raq ee Bariga gobolka Sool.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, waxa uu sheegay inay Puntland diyaar u tahay inuu sii socdo dagaalkaasi illaa inta ay ka xoraynayaan deegaanno ka maqan oo Somaliland haysato, sida uu hadalka u dhigay Cabdixakiin Camay.

Muuqaalkan hoose ka Daawo Warkaas oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here