Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shir La Qaatay Golaha Degaanka Boorama

0
668

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safar shaqo ku joogay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirada Wasaaraddaha Beeraha iyo Ganacsiga Dalxiiska iyo Warshadaha ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee Boorama.

Waxaana joogay Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo gudoonkooda, fadhigan oo uu Gudoominayey Madaxweyne ku xigeenku waxaa lagaga wada hadlay horumarka Degmada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa baahiyaha aas-aasiga ah ee ee Degmada.

Madaxeyne ku xigeenka ayaa  kula dardaarmay Golaha Deegaanka inay ka shaqeeyaan Banaynta Waddooyinka Magaalada iyo sidoo kale wax ka qabashada Bilicda Magaalada, Daryeelka Bulshada.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici iyo weftigii la socday waxay Kormeer shaqo ku tageen Madaarka Boorama, waxaana halkaasi Warbixin ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Madaarka iyagoo sharaxaad ka bixiyey halka ay marayso dibu dhiska Madaarku.

Maayarka Magaalada Boorama Xasan Saleebaan Xaddi oo isagu halkasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Calaamadinta Xayndaabka Madaarka, isla markaana ay dawlad hoose ahaan barbar taagan yihiin Maamulka Madaarka, waxaana uu Bulshada ugu baaqay inay u hoggaansamaan xidhista xayndaabka Madaarka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan cidina is hortaagi Karin xayndaabka Madaarka loo samaynayo isagoo amar ku bixiyey in shaqada la bilaabo.

Isagoo xusay Madaxweyne ku xigeenku in dhismaha Madaarku uu ka mid yahay horumarka Gobolka Awdal iyo guud ahaanba Qaranka, sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay inuu Madaarku yeesho xayndaab cayiman oo lagu saleeyey cabir.

Ugu danbayntiina Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hadhimo sharafeed u sameeyey Cuqaasha, Salaadiinta, Waxgaradka iyo guud ahaanba Madax dhaqameedka Gobolka Awdal taasi oo ka dhacday Hotel Rays ee Magaalada Boorama.

Daawo Sawirro Dheeraad ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here