Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kulan La Qaatay Isu-duweyaasha Laamaha Dawladda Awdal

0
608

Boorama (HP): Wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirro  iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda ayaa maalmahanba ku sugan magaaladda Boorama.

Waxaanay weftiga madaxweyne ku-xigeenku maanta kulan la qaateen isu-duweyaasha laamaha dawladda ee Boorama, oo ay kala hadleen adkaynta nabadgeliyadda iyo isku duubnaanta bulshadda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa maamulka gobolka Awdal, ka degmadda Boorama iyo taliyeyaasha ciidamadda amaanka ee gobolkaasi iyo xubno madax dhaqameed iyo odayaal ah.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here