Madaxweyne ku xigeenka oo gaadhay Washington Dc ayaa Bari la kulmi doona jaaliyada Somaliland

0
925

WASHINGTON , (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo maalintii Arbacadii ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport, Isaga oo u sii jeeday dalka Maraykanka ayaa sida aanu ka helnay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka maraykanka Ambassador Rashiid Gaaruf Nuur uu noo xaqiijiyey in weftigii madaxweyne ku xigeenku si nabadqab ah ay ku soo gadheen magaalada WASHINGTON DC ee USA.maalmaha soo socda la kulmo jaaliyadhaa somaliland ee kala ah:-

1 – Jaaliyada Washington DC maalinta Sabtida March 28, 2015

2 – Jaaliyada Minnesota maalinta Axada March 29, 2015

3 – Jaaliyada Seattle maalinta Jimcaha April 3, 2015

4 – Jaaliyada Columbus maalinta Axada April 5, 2015

Ka dibna wuxu u gudbi doonaa Madaxweyne ku xigeenku waddanka Canada, oo isna aad looga sugaayo ilaa hadana ku jira diyaar garaw xoogan oo ay ku soo dhawaynayaan madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here