Madaxweyne Geelle: Colaadaha ka Taagan Dalka Yemen Waa kuwo khatar weyn ku ah Waddamada Gobolka

0
782

Djibouti, (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Djibouti, Mud.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Sheegay in Colaadaha dalka Yemen ay kuwo sokeeye isku bedelaan, isagoo xusay in haddii ay taasi dhacdo ay kooxaha AQAP ee Al-Qaacida fursad u siinayso inay khatartooda kusii xoojiyaan Bariga Dhexe, laakiinse wuxuu ballan-qaaday inuu caawinayo Qoxootiga Yemen kasoo cararaya.

Geelle oo Wareysi siiyay Wakaaladda Wararka AFP, ayaa sheegay in colaada Dalka Yemen ay saameyn ku yeelan karto Dalkiisa, isagoo Xusay inay khatar ugu jirto inay Colaadaha u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga dalkaas ay dalal kale u gudbi karaan.

“Kooxda AQAP waxay fursad ka dhex-raadinaysaa Xiisadaha ka taagan Dalka Yemen ee u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga; taasoo abuuri karta inay taasi dhex-dhigto shacabka Yemen colaado diimeed oo aan horay ugu dhexeyn,” ayuu yidhi Geelle.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa soo dhaweeyay duqeymaha cirka ah ee uu hoggaaminayo Sucuudiga ee lagu beegsanayo kooxda Shiicada ah ee Xuuthiga, balse wuxuu ka digay in dagaalku uu isku bedelo mid sokeeye oo cawaaqib xun dhaliya.

Colaadaha ka taagan dalka Yemen ayaa waxay kumannaan qof ku qasbeen inay dalkooda ka cararaan, kuwaasoo gaadhay dalalka Djibouti iyo Somalia oo ay daris dhanka badda Cas ka yihiin Somalia.

“Xuduudaheennu weli waa u furan yihiin inay dadka Yemen kasoo cararaya soo maraan,” ayuu mar kale yiri Geelle, iyadoo biyaha u dhexeeya Yemen iyo Yemen ay masaafadoodu tahay 30-KM oo keliya.

Geelle ayaa hadalkiisa ku daray. “Qoxootiga Yemen kasoo cararaya ee kusoo Qulqulaya Djibouti waa kuwii saddexaad kaddib Qoxootigii halkan (Djibouti) soo gaadhay Sannadihii 1986-kii & 1994-kii oo ay colaado ka dhaceen Yemen.”

Madaxweynaha Djibouti ayaa dhanka kale sheegay inay soo dhaweynayaan in Shiinuhu uu saldhig millateri ka sameysto Djibouti . Iyadoo Xukuumadda Shiinuhu ay noqonayso dalkii afaraad oo saldhig ku yeesha dalka Djibouti.

“Shiinuhu wuxuu halkan keensanayay Ganacsiyo badan Tobankii sano ee la soo dhaafay. Sidaa awgeed China waxay doonaysaa inay danaheeda ilaashato, dhankeenana waanu soo dhaewynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Geelle.

Dowladda Shiinaha ayaa waxay Djibouti ka wadaa mashaariic kala duwan oo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhisme Dekedeed, mid Garoon iyo dhisamaha waddo Tareen.

Djibouti ayaa waxaa Saldhigga ugu weyn Afrika oo lagu Magacaabo LEMONNIER ku leh Dalka Mareykanka kaasoo ah ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee Afrika kaga sugan Mareykanka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here