Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay 7 Xubnood Oo Ah Guddiga Xuquuqal Insaanka Ee Qaranka

0
1133

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay wareegto madaxweyne ku magacaabay xubnaha guddiga xuquuqal insaanka ee qaranka Somaliland oo ah 7 xubnood.

Wareegtada madaxweyne Biixi, ayaa waxa ka dhex muuqda dad caan ah oo bedeli doona guddigii hore. Qoraalka wareegtada ah ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan

Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan

Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan

Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

LEAVE A REPLY