Madaxweyne Biixi Oo Madaxtooyadda Hadhimo Ugu Sameeyay Qoorweynta Beesha Garxajis

0
1403

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici),  ayaa maanta hadhimo u sameeyay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha koonfurta Hargaysa.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay qaar ka mida golaha wasiirrada, agaasimeyaal iyo masuuliyiin kaloo xukuumadda ka tirsan.

Hadhimadaasi oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland ayaa u jeedadeedda lagu sheegay sidii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo madaxyo-weynta beeshaasi isku xogwaraysan lahaayeen.

Waxaana munaasibadaas Qadadda ahayd ka soo qayb galay in ka badan 200 oo qof, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo madax dhaqameedka beelaha koonfurta Hargaysa oo ka kala yimid goboladda iyo degmooyinka beeshaasi degto.

Xubno isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay hadhimada uu ku maamuusay.

Waxaanay caddeeyeen inay si guud iyo si gaar ahba madaxweynaha ugu garab taagan yihiin tallaabooyinka horumarineed ee uu dalka ku hoggaaminayo.

Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Cabdi,  oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madasha hadhimo-sharafeedka ahayd  ayaa ku dheeraaday doorka soo jireenka ah ee ay beeshani kaga jirto qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu caddeeyey inay beeshani qayb libaax kasoo qaadatay dib-u-dhiskii qaranka iyo horumarka waqtigan la gaadhayba.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay beeshani kaga jirto qaranka.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha:

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Abees, guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) ayaa iyagna dhinacooda kelmado soo dhawayn iyo mahadnaqa halkaasi ka jeediyey.

Geesta kale  xubno ka mid ahaa salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshan kasoo jeeda ee miisaanka leh oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Aadan Faarax, suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Ugaas Xuseen Geelle, guddoomiyaha guddida Talo iyo Tawfiiq.

Xasan Xuseen,  Chief Caaqil  Xuseen Xasan Cali, Caaqil Cabdiweli Jaamac, Cawil Yuusuf Dhiif, maayarka degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur,  oo munaasibadaasi hadallo ka jeediyay ayaa dhammaantood   si isku mid ah  madaxweynaha ugu bogaadiyey sida uu u maamuusay iyo kulanka ay la yeesheen madaxweyne.

Waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii loo sixi lahaa wax kasta oo tabasho ka taagan tahay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here