Madaxweyne Biixi oo laba toddobaad oo uu ku maqnaa gobolada bariga dib ugu soo noqday Hargeysa + SAWIRRO

0
1225

Hargeysa, (HargeisaPress) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa ka dib markii safar 14 cisho ah uu ku soo maray gobolada bariga oo tan iyo intii la doortay aanu booqanin.

Safarkan madaxweynuhu ku tagay gobolada bariga ayaa loo bixyey mideeye, waxaana soo maray dhamaan gobolada bariga iyo degmooyinkoodda, waxaana saaka madaxweynaha looga hortagay duleedka bari ee magaaladda oo saakay hiirtii waaberi dadku ku sugayeen.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ah ganacsatada reer Somaliland ee caanka ah ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey booqashada gobolada bari iyo in uu u kuurgallo baahiyaha ka jira goboladaasi.

Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isna halkaasi ka hadlay , ayaa safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed iyo maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco ayaa iyaguna dadweynihii reer Hargeysa ee madaxweynaha soo dhoweeyey u mahadnaqay.

Madaxweyne Biixi ayaa soo dhoweynta shacabka reer Hargeysa ku tilmaamay mid bulshada caasimaddu ku muujiyeen qarannimada, islamarkaana ugu mahadnaqayeen shacabka gobollada kale ee madaxweynaha iyo weftigiisa sida fiican usoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Waan idiinka mahadnaqayaa qaban-qaabada iyo soo dhaweynta aad soo gasheen oo muujinaysa qaran-nimada Somaliland iyo inaad gobolladii kale ugu mahadnaqdaan midnimada iyo shucuurta, maadaama oo aad Hooyadii dalka tihiin, waxana aad soo dhaweyseen sharaftii qaranka.”

Madaxweynaha oo sharaxaya safarkii uu ku tegay gobollada bari waxa uu yidhi “Safarkaa aynnu galnay iyo midnimadaa Somaliland cadowgeedu ma uu filaynin inay Somaliland marka ay qaran-nimada tahay isku mid tahay, iyadu dhexdeeda ay ka dooddo, laakiin qaranka iyo hawlihiisa iyo dalka ay u midaysan tahay, taasina waxa ay kalliftay in dawladda Xamar muddadii aynnu wareegaynay ay toban goor hadlaan,”

Madaxweyne Biixi ayaa labadii cishe u dambeeyey ku sugnaa magaalada Berbera, waxaana lagu arkayey isagoo ka shaahaynayey makhaayadaha shacabku iskugu yimaadaan, waxanu shalay salaadii jimce la tukaday shacabka reer Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here