Madaxweyne Biixi Oo Hadalada Dawladda Soomaaliya Ku Tilmaamay Mid Afka Baarkiisa Ah Oo La Iska Yidhi

0
1360
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Dubai, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isagoo wefti hoggaaminaya socdaal ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dhawaaqyada Soomaaliya ee ka dhanka ah shirkadda DP world ku tilmaamay kuwo la iska yidhi oo aan hirgeli karin.

Madaxweyne Biixi oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Dubai wuxuu sheegay in Somaliland xaq u leedahay inay gasho heshiisyo maadaama oo ay xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya. “Wuu hirgalayaa heshiiska aanu la galnay DP world, dawladda Somaliland ayaana fulinaysa, hadalkooduna waa mid la iska yidhi oo aan hirgalayn.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay, “Hadalkoodu waa iska kaftan uun. Awood uma laha inay dadkayaga soo farogeliyaan.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi inaanay dawladda Soomaaliya wax saamayn ah ku yeelan karin arrimaha Somaliland, “Annagoo ah dal madaxbanaan ayaanu DP world iyo dawladda Imaaraadka Carabta la galnay heshiiska Berbera, waanu hirgalayaa oo dawladayada ayaa fulinaysa. Waxaanu idiin damaanad qaadaynaa inaanay Soomaaliya wax saamayn ah ku yeelan doonin.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay waxa dhici kara haddii ay dawladda Soomaaliya ku sii adkaysato mawqifkeeda wuxuu yidhi, “Waxba dhici maayaan, mashruucani wuxuu u soconayaa sida loogu tallo galay, laba sannadood ayaana lagu dhamaynayaa.”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ah ee buuqa keenay aanu ahayn mid cusub balse la sii balaadhiyay heshiiskii hore uun, “Waa balaadhin la sii balaadhiyay heshiiskii hore ee ay wada galeen Somaliland iyo DP world ee uu baarlamaankayagu ansixiyay.” ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maalgashiga dekedda Berbera uu wanaag u yahay gobalka Geeska Afrika oo dhan, “Maalgashiga DP world ee Bebera waa maalgashi horumarineed oo aan Somaliland oo keliya muhiim u ahayn balse gobalka oo dhan fa’aiido u ah. Somaliland waxay u baahantahay dhaqaalaha iyo khibradda DP world, Itoobiyana waxay u baahantahay jid kale.” ayuu idhi Wasiir Sacad, waxaanu intaas raaciyay, “Baarlamaanka Soomaaliya waa nasiib darro inay wakhti ku lumiyaan inay Somaliland ka xanibaan DP world.” ayuu yidhi, isagoo xusay in maalgashiga DP world uu yahay horumar ay cid kastaa u baahantahay, “Xataa Soomaaliya” ayuu yidhi.

Geesta kale, labada taliye ciidan ee qaranka iyo Booliska sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sareeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa iyaguna ka daba tagaya weftiga madaxweynaha, waxaanay maanta ka socdaalayaan magaalada Hargeysa si ay ugu biiraan wada hadalada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here