Madaxweyne Biixi oo Guddoomiyey Shir Xisbiyadu Ku Yeesheen Madaxtooyada

0
798

Hargeysa (HargeisaPress) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Saddexda Xisbi Qaran u guddoominayey Shir ay ku yeesheen Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo ay matalayaan Madaxdooda ugu sarraysa ayaa lagaga wada-hadlay doorashooyinka Golaha Wakiillada ee la qorsheeyay inay Dalka ka dhacdo 13-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka, sida uu sheegay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Mr. Ebyan oo Saxaafadda la hadlay markii kulankaasi dhamaaday.

Mr. Ebyan oo faahfaahinaya waxyaabihii lagaga wada-hadlay kulankaasi ayaa yidhi “Kulankaasi wuxuu ahaa is xog-waraysi, kalsooni dhisid, muddo ayaa la kala maqnaa, welina kulamadii way noo socdaan, si wanaagsana wax waanu iskula soo dhawaynay, kulamaduna way noo socdaan iyagoo intan ka koob-kooban.”

Ebyan oo u hadlayey Saddexda Xisbiba ayaa sheegay “Waxaanu ka wada-hadalnay doorashada iyo sidii looga wada qayb-geli lahaa, waanu is xog-waraysanay, waanu doodnay, si wanaagsan oo deggan, nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto, welina way noo socdaan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u sheegaynaa Bulshada inaanu heshiis ku nahay qabsoomidda doorashada, 13-ka bisha December, 2019, welina aanu ku jirno Waddadii loo mari lahaa dooddeeda iyo qaabkii doorashadu u dhici lahayd..”

Ebyan wuxuu sheegay in Shirkaa uu u guddoominayey Xisbiyada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey ku-xigeenkiisu.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY