Madaxweyne Biixi Oo Golaha Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Kale Ku Amray Inaanay Warbaahina Hadalo Isu Marin Ee Ay Qoraal Isugu Jawaabaan

0
1132
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xukuumadiisa ku amray inaanay warbaahinta isu marin karin hadalo ay isugu jawaabayaan, taas bedelkeedna wuxuu faray in wixii soo kordha ay isugu gudbiyaan qoraal rasmi ah.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi, uu soo saaray wareegto loo qaybiyay wasaaradaha xukuumadda, taas oo uu ku faray inay mamnuuc tahay in masuuliyiinta is qoonsada ee xukuumadda ka wada tirsani ay warbaahinta isugu jawaabaan, waxaanu faray inay isugu jawaabi karaan oo keliya hab-qoraal rasmi ah.

Talaabadan ayuu madaxweynuhu ku sheegay mid lagu xoojinayo nidaamka dawladnimo, waxaanu sidoo kale faray inay mamnuuc tahay in shaqaalaha wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadu ay warbaahinta ka hadlaan fasax la’aan islamarkaana ay masuuliyiintooda hawada u mariyaan dhaliilo iyo eedaymo, isagoo xusay inay dambi tahay in shaqaalaha dawladu ka hadlaan fasax la’aan warbaahinta.

Wareegtan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dhawaan isku dhaceen wasiirka warfaafinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaas oo warbaahinta isu mariyay weerar iyo weerar celis taas oo sababtay in ugu dambayn uu wasiirka warfaafintu shaqada iyo mushaharka ka joojiyo 24 saxafi.

LEAVE A REPLY