Madaxweyne Biixi oo dhagax dhigay wadada isku xidha Kala-baydh iyo Hargeysa oo lagu samaynayo dib u dhis balaadhan + SAWIRRO

0
1096

Kala-baydh ,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhis iyo Balaadhin lagu samayn doono waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo dherarkeedu dhan yahay 60KM, taas oo dayactir iyo ballaadhin lagu samayn doono.

Munaasibadda dhagax-dhigga waddadan oo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, Engineer-radda gacanta ku haya wadda, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya qorshaha xukuumadda ee ku aaddan inuu qaranku yeesho waddooyin casri ah oo tayo leh, kuwaas oo gaadiidku si nabadgelyo ah ku mari karo.

Wasiirrada wasaaradaha Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, iyo Deegaanka iyo horumarinta Reer miyiga, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, maareeyaha wakaallada horumarinta waddooyinka Mudane Cismaan Sheekh Cabdi oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday faa’iidada waddadani qaranka u leedahay iyo sida guud ahaanba qaranku ugu baahan yahay in uu helo waddooyin tayo leh oo casri ah, kuwaas oo fududayn kara isu socodka gaadiidka dalka isaga kala gooshaya, iyaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey sida uu ugu heellan yahay dayac-tirka waddooyinka hore u jirey iyo hirgelinta kuwo cusub.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isagu dhinaciisa waxa uu u mahadnaqay midowga reer Yurub, hay’adda GIZ iyo farsamo yaqaannada waddada gacanta ku haya iyo cidkasta oo gacan ka geysatay dhismaha iyo dayactirka waddada isku xidha Hargeysa iyo Kal-baydh oo dib u dhis iyo ballaadhan lagu samaynayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo wakaallada horumarinta jidadka ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin shaqadooda, waxana uu ku adkeeyey inay ka jawaabaan baahida bulshadu u qabto in adeeg fiican loo qabto, sidoo kale inay il gaar ah ku eegaan bixinta liisadama la siinayo wadeyaasha gaadiidka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan idiin bogaadinayaa, dawlad ahaanna hawshu waa bilow, dadkuna waxa ay inaga rabaan adeeg oo maxaa la qabtay uun baa aakhirka imanaysa, dedaal badanna waad samayseen, imikana la marmarsoon maayo oo la odhan maayo Shatiyadii qof baa haysta’e wixii oo dhanba idinkaa haya, idinka (wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka) iyo Booliska waxa laga rabaa liisanka qofka qaatay xaq ma hayay oo gaadhiga ma wadi karayaa, Baabuurka sannadkii ma la tijaabiyey oo waddada ma mari karaa”.

Waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley, ayaa dhererkeedu dhan yahay 60KM (Lixdan Kiiloomitir), waxana iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo midowga reer Yurub.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY