Madaxweyne Biixi Oo Ciidamadda Booliska Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Cabdile Cabdi Dhimbiil Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

0
1220

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka tacsiyadeeyay ehelka, qaraabadda iyo ciidamadda qaranka gaar ahaana booliska geerida ku timid ALLE ha u anxariistee marxuum  Cabdile Cabdi Dhimbiil oo maanta shil baabuur ku geeriyooday.

Tacsida uu madaxweynuhu u diray marxuumka geeriyooday ayaa u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil, Marxuum Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/09/2018, Shil Baabuur.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu caafimaad Alle uga baryayaa inuu siiyo askartii la socotay marxuumka ee ku dhaawacan tahay shilkaa baabuur, oo ay gacanta ku hayaan xaaladooda hawl-wadeenada caafimaadku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here