Madaxweyne Biixi oo Casuumad Dhaqaale Badani Ku Baxday U Dhigay Arooska Wiilkiisa, Xili Ay Bulshadu La Tacaalayso Duruufo Qalafsan.

0
1100

Hargeysa,(HargeisaPress)— Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay casuumad Qado ah oo uu u dhigay arooska wiilkiisa Maxamed Muuse Biixi oo dhawaan ka dhacay Djibouti.

Madaxweyne Biixi ayaa munaasibadan casuumada ah ee uu Wiilkiisa u dhigaywaxaa waxaa ka soo qayb galay Madax-dhaqameed iyo Salaadiin ka ka kala timid qaar kamida gobolada dalka iyo xubno kamida Xukuumadiisa.

Casuumada madaxwaynuhu fidiyay oo ay ku baxday dhaqaale badani ayaa bulshada reer Somaliland siyaabo kala duwan ufalaynqaynaysay halka dadka qaar ku sheegeen madaxwaynuhu in uu casuumay beesha gobolka saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay.

Balse warka rasmiga ee laga helayo casuumadan ka dhacay guriga madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in ay ahayd mid loogu ducaynayay arooska wiilkiisa oo dhawaan ku aqal galay  dalka aynu jaarna nahay ee jabuuti Maxamed Muuse Biixi

Casuumadan Madaxwayne Biixi ku dhigtay gurigiisa ayaa ku soo beegmaysa xili ay bulshada la tacaalayso xaalado qalafsan oo soo wajahay iyo colaado ka taagan gobolada bariga.

 

Hamse jirde – HargeisaPress News Desk = Hargeysa

LEAVE A REPLY