Madaxweyne Biixi Oo Caawa Kulan la yeeshay Hoggaanka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweyne ku-xigeennadii hore + SAWIRRO

0
747

Hargeysa, (HargeisaPress) –Kulan Caawa Qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, Madaxweyne ku-xigeennadii hore iyo Ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa waxa lagaga wada-hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

  1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
  2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
  3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
  4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.”

HALAKNA HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here