Madaxweyne Biixi: Halka Sartu ka Qudhuntay waa Dowladda oo aan la aaminsannayn Mid Kastoo ay Tahayba

0
829
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in dhibka ugu weyn ee haysta Somaliland uu yahay mid salka ku haya aaminaad la’aanta hannaanka dowliga ah, taasoo uu xusay inay sabab u tahay dhibaayooyinka laga tirsanayey dowladihii kala dambeeyey ilaa sannadkii 1960-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah-furay Kulliyadda Tababarka Macallimiinta oo lagu qabtay Hargeysa Maanta, waxa uu tilmaamay in bulshadu ay dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah (traumatized) ka dhaxleen caddaadiska ay dowladdihii hore ku hayeen, taasina ay sababtay in ilaa maanta aanay dadku weli aaminsanayn dowladnimada, loona haysto inay tahay meel tuugo ah oo lagu cuno cashuuraha laga ururiyo dadka.

“Waxa innaga maqan is-aaminaaddii oo ka wax haysta (qofka hantida leh) haddii maanta la is yidhaahdo ha la cashuuro oo ha la ururriyo lacagtii dadkaas la siin lahaa, wuxuu ka shakisan yahay in ka (masuulka) dowladda ah ee loo dhiibayo ee Madaxweynaha ama Wasiirka ah ay cunayaan ayuu u haystaa. Waa dhab oo waayo intii aynu dowlad helnay ee aynu soo aragnay oo dhanba maynu arag dowlad aynu aaminno oo waxay ahayd uun ka carar oo iska ilaali. Ka (qofka) cashuurta yar bixiyaana karaahiyo ayuu ku bixiyaa, cashuurtana waxa la qaadaa oo qudha ka taagta daran (dan-yarta ah) oo ay Dowladda Hoose aroortii (subaxa hore) ka laabtaa sixniga ee ka xoogga weyn leh cid uma tagto,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu nahay dad traumatize ah (oo dhibaatooyinkii dowlad-xumadu ku reebeen saamayn maskaxeed), waayo ilaa sannadkii 1960-kii maynu arag dowlad aynu aaminno oo dowlad walba iska ilaali ayuun bay ahayd oo mid aynu la dagaalanno, mid aynu ku mudaharaadno, tu reer hebel ah ayuun bay ahayd. Tusaale yar, nin kasta oo Madaxweyne ah, Xamar, Jigjiga iyo meelkastaba (oo Somaalidu degto) Madaxweynuhu waa ayo? Dowladdii reer hebel ayaa jirta ayuun baa la odhanaya. Markaa adigu waad ka dhaqaaqday haddii aannu reerkiina ahayn, waayo ma aaminaysid. Maskaxdaas oo la beddelana waxa aynu magan uga nahay waa Wasaaradda Tacliinta oo Wasaaradda Waxbarashada waxa laga rabaa laba arrimood oo ah toosinta da’yarta iyo wacyigelinta dadka waaweyn.”

Waxaannu intaas raaciyey hadalkiisa;“Dadka waaweyn ee maanta taliya ee leh Caaqil, Suldaan, Madaxweyne, Taajir, Sheekh waxay u baahan yihiin in la wacyigeliyo oo la waaniyo, lana yidhaahdo; ‘waar sidee ayeynu wax u wada qabsannaa oo aynu isla garannaa? (Laakiin) haddii uu midba midka kale haaraamo oo midba ka kale ka cararo oo mid walba iska ilaaliyo ka kale la socon maayo (horumar la gaadhi maayo), waana dhibaatada ina haysata.”

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka haysta Somaliland lagaga bixi karo lacagta cashuurta ah oo si fiican loo ururiyo, lana hubiyo in madaxda qaranku aanay ku tagrifalin xoolaha ummadda.

“Waa in qaranka oo dhan isku tago oo ka fikiro sidee ayeynu u maalgelinnaa da’yarteena, waxbarashada iyo caafimaadka mustaqbalkeena? Waa maalkeena oo aynu isku gayno oo waa madaxda maamulka ee maamulaysa hantidaas la isku dhiibay oo la hubiyo in aanay ku tagrifalayn, ilayn halka ay sartu ka qudhunsan tahay waa halkaase oo halka ay sartu ka qudhunsan tahay waa dowladda oo aan la aaminsannayn mid kasta oo ay tahayba, waana tuugga iga ilaaliya. Markaa nin walba heli maayo gurigiisa iyo qoyskiisa oo dowlad ah. (waxa loo baahan yahay) in qaranku uu is-aaminno oo waxa tuugga ahna la qabto,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu sheegay in dhibaatooyinka haysta Somaliland ay ka mid yihiin bulshada oo aan dowladnimada iyo sharciga ku kalsoonayn, isla markaana hab-qabyaaladeed lagu wada difaaco cidda ama qofka lagu helo musuqmaasuq ee la qabto.

“Walaalayaal, dhibaatada ina haysaa waxa weeyaan maskaxdeenii ayaa ku jeedda xannuun ah; ‘wax iska celi, is ilaali, adigu is ururso oo cid walba iska ilaali.’ Ilaa ay gaadhay in qofku aannu la shaqayn karayn qofkii kale ee ay jaarka ahaayeen…(xaaladdu) way dhaaftay heerkii qabyaaladda oo waxa jira cabsi shaqsiyan ah oo qof walba wuu is-difaacayaa oo wax walba wuu ka baqaa, nolosha mustaqbalka ayuu ka baqayaa oo (wuxuu isku qanciyey in aannu) haysan dammaan-qaad dhinaca nolosha ah, wuxuuna ka baqayaa tollow berito maxay noqon? Markaa qof walba difaac ayuu ku jiraa, haddii uu taajir yahay, haddii uu faqiir yahay, haddii uu madax yahay, haddii uu minjo (shicib) yahay. Waxa innaga maqan in aynu garanno in Somaliland oo dhan aynu nahay qof keliya oo haddii ay far-yaradu ku xannuunto, ay maskaxduna ku xannuunayso, kadibna innaga oo isku tagna oo xoogga iyo maskaxdeena isku gayna mooyaane aynaan ka baxayn dhibaatooyinka ina haysta ee biyo la’aanta ah, caafimaad-xumada ah ee maamul-xumada ah,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY