Madaxweyne Baarkinka Madaarka Iyo Wax Aan Macno Lahayn Kaamaanu Filayne,Waxaanu Kaa Sugaynay Warshadii Laydhka Hargaysa.

0
1343

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Haddaanu Nahay Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa  Waraabe U Taag Aan Wax Macno Ah Ku Fadhiyin Baanu U Aragnaa Soo Celinta Baarkinka Madaarka Ee La Sheegayo Iyo Waxyaabaha Kale Ee La Midka Ah.

Mana Aha Runtii Waxyaabihii Aasaaska U Ahaa Nolosha,Sidaas Awgeed Madaxweyne Waxaanu Kaa Filaynay Oo Anaga Shacab Ahaan Muhiim Noo Ahaa Oo Aanu U Ciilanahay,Oo U Dhibanahay, Hadii Aanu Nahay Dadkii Danyarta Ahaa,Laydhkii Caasimada Ee Dawladu Lahayd,Oo Koronto Fiican Aanu Ka Heli Jirnay,Qiimo Jaban Oo Tudhaale Lehna Noo Samayn Jiratay.

Taas Inaad Soo Celiso Oo Gacantii Dawlada Kusoo Celiso Baanu Madaxweyne Kaa Eegaynay,Dadkii Dhamaan Kugu Taageeray Go,Aankii Aad Dhowaanta Soo Saartay,Ee Xildhibaanada Golayaasha Lahaa,Ee Cid Walba Lahaa,Waxay Kugu Dar Daareen Inaad Warshadii Laydhka Umadda Usoo Celiso,Ilaa Imikana Wax Talaabo Ah Maadan Qaadin,

Madaxweyne Korontoda Dawladu Cayaar May Ahayn,Inaad Ka Eegto Uun Ma Aha Warshada Meesha Ku Taala,Tacab Ayaa Madaxweyne Galay Biraha Laydhka Iyo Dab Gelinta Magaalada, Bal Qiyaas Intuu Soo Taxnaa Tacabkaasi.60 Sanadood Ayaa Dabgelinta Magaaladu Maalinba Talaabo Qaadaysay,Waa Ilaa Ingiriiskii,Tacabkii Umadu Lahayd Ayaa Ku Dhan,Idinkuna Rag Dhiig Miirato Ah Baa Si Fudud U Siiseen.

Bil Kasta Boqol Doolar Bay Nagu Soo Dalacaan.Awood Uma Hayno,Rag Naxaya Maaha.

Dawladii Hore Ee Siilaanyo Eed Inaanay Ku Lahayn Baan Qabaa,waayo Kuwii Wareejiyay Ee Dabada Ka Riixayay Waxay Ahaayeen Adiga Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkaaga Saylici,Labadiinuba Xafladii Wareejinta Laydhka Kuwii Goob Jooga Ahaa Baad Ahydeen,Ee Dadka U Sakhirayay Wareejinta Laydhka Ee Nagu Yidhi Laydh Jaban Baad Helaysaan.

Hadal Iyo Dhamaan Uma Dul Qaadan Karno,Dhibaatadan Go,Aan Ka Soo Saar, Madaxweyne Warshadii Laydhka Ee Umaddu Laheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here