Madaxweynayaasha Dalalka Djibouti iyo Sudan oo gaadhay gobolka Oromiya

0
1103

JIMMA, (HargeisaPress) –Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay gobolka Oromiya magaalada Jimma madaxweynayaasha dowladdaha Jabuuti iyo Sudan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xassan Al-Bashiir

War la soo dhiggay barta Twitter-ka ee  Ra’iisul Wasaaraha  Abiy ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Sudan iyo Jabuuti lagu  casuumay daah furka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada  Jimma.

Sida ay qortay Wakaalada FBC Madaxweynayaasha labada dal iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay halkaa ku yeeshaan kulamo muhiim ah looga wada hadli doono arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga saddexda dowaladdood, Itoobiya, Sudan iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa mudodoyinkii u dambeeyay waday iskaashi iyo is dhex gal uu la sameynayo dalalka Gobolka, waxaana dhowaan shir saddex geesood ah ku dhex maray magaalada Bahar Dar Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid cayaareysa door siyaasadeed oo muuqda si leysugu soo dhaweeyay madaxda guud ahaan gobolka Geeska Africa, iyadoo horay loo dhameeyay khilaafkii muddada ka badan 20ka u dhaxeeyay dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here