“Madaxweynaha waan uga mahad naqayaa inuu u dhego nuglaaday shacabka Togdheer dhakhso ayaana loo bilaabataa”..xildhibaan Bidhi

0
881

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa sheegay in dib u dhis lagu samaynayo buundooyinka magaaladda Burco oo ay waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii dhawaan magaaladaasi ka da’ay.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa tilmaamay in roobabkii xooga lahaa ee gbolka Togdheer ka da’ay ay khasaare balaadhan soo gaadhsiiyeen saddex biriij oo ku yaalla magaaladda Burco iyo guud ahaanba gobolka Togdheer.

Waxaanu sheegay in roobabkii dhawaan ka da’ay gobolka Togdheer oo ahaa kuwo xoog leh ay dhibaatooyin soo gaadhsiiyeen Biriijyadda iy Buundooyinka Burco, isla markaana madaxweynaha Somaliland uu si deg deg ah uga jawaabay wax ka qabashadda Biriijyadaasi.

 

Xildhibaanka oo ka hadlayay baaxadda khasaaraha biriijyadda Burco soo gaadhay waxa uu yidhi “Gobolka Togdheer, waxaa sanadkan ka da’ay roobab xoog leh oo ilaa 6M oo kor ah gaadhayay. Adibna Buundooyinkii magaaladda way dul amreen.

Buunadadda iy Biriijka Beer way dul amreen. Gobolka Togdheer-na saddex biriij ayuu leeyahay, saddexdiiba khasaare ayay daadadku gaadhsiiyeen”.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, wuxuu sheegay in maadaama oo dhibaatadda dhacday ay ka xoog badan tahay ka dawlad hoose ahaan in ay la kaashadeen xukuumadda dhexe, isla markaana uu madaxweynuhu isla markiiba baaqoodda ka soo jawaabay.

“Kadib khasaarihii roobabka ka soo gaadhay buundooyinka Burco, waxaanu dirnay baaq la xidhiidhay in dhibaatadda soo gaadhay Buundooyinka ay naga baaxad weyn tahay ka dawlad hoose ahaan. Waxaanan la kaashanay madaxweynaha iyo xukuumadda dhexe”ayuu yidhi xldhibaan Bidhi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Madaxweynuhu markiiba deg deg ayuu uga soo jawaabay baaqayagii. Waxaana kormeer qiimayn ah noogu yimid wasiirka hawlaha guud iyo wasiirro kale. Isla markiiba-na wuu saxeexay lacagtii ku baxaysa, waanay taalaa.

Dhakhso ayaana loo bilaabayaa, 3da ilaa 4ta bisha July ee soo socota ayaana la bilaabaya dayactirka iyo dib u dhiska biriijyadda Burco”.

“Waanan uga mahad naqaynaa madaxweyna jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, in uu u dhego nuglaaday shacabka Togdheer, iyo in uu markii dhibaatadu dhacday wefti wasiirro ah soo diray, hadana markiiba lacagtii ku baxaysay saxeexay”ayuu yidhi xidhibaan Bidhi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here