Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Waddamada Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka + SAWIRRO

0
1150

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha JSL ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti Sare oo ka socda Waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka oo booqasho hawleed ku yimmi dalka, isla markaana kulamo kale la yeeshay Guddiga Doorashooyinka, iyo Madaxda Xisbiyada.

Sidaana waxa lagu sheegay War-qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadu oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa 04.10.2017 Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Culus oo ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u muddaysan 13.11.2017ka koobnaa Waddamada Jam. Somaliland ka taageera xagga Horumarka iyo Dimuqraadiyadda. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Weftigu wuxuu ka koobnaa Safaaradaha 6 Waddan oo ka mid ah Midowga Yurub (EU) iyo Dalka Ingiriiska-UK kuwaasoo u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, fadhigooduna yahay magaalada Nairobi. Weftigaasi waxa ka mid ahaa:

Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Veronique Lorenzo);

Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen);

Safiir-xigeenka Dalka Holland (Tijmen Rooseboom),

Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland(Mrs. Rosie Tapper);

Qusulka Safaaradda Faransiiska(Mr. Emmanuel Dagron);

Wefti dhawr Xubnood ah oo mattalayey Dawladda Finland ;

La-taliyaha Maamulka ee Hay’adda Iskaashiga Caalamiga dalka UK DFID (DfID Governance Adviser, Angus Miller).

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ugu horreyn wuxuu weftiga Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland uga mahad-naqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo waqtigoodaa qaalliga ee ay usoo hureen. Madaxweynuhu wuxuu xubnaha weftiga u sheegay in Waddamada ay mattalaan yihiin saaxiibo qiimo badan oo ay Somaliland leedahay, oo si joogto ah Somaliland uga taageera xagga Horumarka iyo Hannaanka Dimuqraadiyada. Sidaa darteed, waxa labadeena dhinacba la inooga baahan yahay in la dar-dar geliyo lana xoojiyo xidhiidhka iskaashi iyo danaha dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Waddamada ay mattalaan.

Madaxweynaha Jam. Somaliland wuxuu weftiga si gaar ah ugala hadlay arrimo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah Danaha iyo Maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, oo ay ugu mudnaayeen Nabadda iyo Xasiloonida Dalka iyo Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh.Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo waxa uu Weftiga Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen si gaar ah ugaga mahad naqay taageerada iyo kaalmada ay sannado badan ka geystaaan Geeddi-socodka Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Jam. Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka u  sheegay ama ku yidhi sidan:

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka soo kabtay cadaadis, colaado iyo dagaallo ummadooda lagula kacay, kuwaasoo soo taxnaa sannadihii 80-nadii ilaa 90-shanadii. Somaliland waa dal ku guulaystay inuu dhiso qaran ku qotoma nabad, xasilooni iyo hannaan dimuqraadi oo dhab ah. Geedi socodka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hana-qaaday Dalkayaga waa mid si dhab ah uga ka go’an Shacabka Jam. Somaliland. Taasina waxaa markhaati cad u ah doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, kuwaasoo dhammaantood ku dhacay sifo dimuqraadi, hoggaanka dalkana loola kala wareegay isu-hanayn, niyadsami iyo isu hambalyayn. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay iyo Komishanka Doorashooyinkaba waxa ka go’an qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasoo u muddaysan 13.11.2017.

Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka u  sku yidhi sidan: “Waxaan jecelahay inaan halkan idiinku caddeeyo in Qabsoomidda doorashadu aanay ahayn mid ay dabada ka riixayaan ama ay nagu qasbayaan Waddamada aad mattashaan iyo Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada, laakiin waa mid aanu annagu rabno oo naga go’an. Ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda dantayada ayaa ku jirta, waana saldhigga nabadda iyo hurumarka dalkayaga ka hana qaaday oo ah astaamaha wacan ee Somaliland lagu tilmaansado.”

“Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay waxay qaaday tallaabo kasta oo suurto galinaysa inay dalka ka qabsoonto Doorasho Madaxtooyo oo Xor iyo Xalaal ah, anagoo kafaalo qaadnay wixii kharash ah ee hawshaa ku baxaya. Dhinaca kale, hawl-wadeenada Xukuumadda waxaan awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel marinta qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasina waxaa tusaale wacan u ah Digreetooyinkii aan soo saaray ee khuseeyey: Reebbanaanta u adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo fagaarayaasha wakhtiga Ololaha Doorashada iyo Gacan siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”

Weftigii Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland:

Kulankaasi waxa iyaguna dhinacooda ka hadlay Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxana haddallo soo jeediyey: Safiirka Midowga Yurub-EU MsVeronique Lorenzo);  Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen); Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland (Mrs. Rosie Tapper). Saddexdan Danjire iyagoo ku hadlaya magaca weftiga waxay dhammaantood halkaa hambalyo iyo amaanba uga soo jeediyeen Madaxweynaha, Xukuumaddiisa iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka; iyagoo hoosta ka xarriiqay sida ay ugu qanacsan yihiin hannaanka iyo sida wacan ee ay u socdaan u diyaar-garowga Doorasha Madaxtooyada soo socota.

Saddexdan Danjire waxay si gaar ah Madaxweynaha JSL ugu ammaaneen sida ay Xukuumaddiisu muddo yar gudaheed ugu guulaysatay inay dhammaystiraan dhammaanba Kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada sida dhammaystirka Diwaangelinta Codbixyeyaasha, qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha, Bixinta kharashkii Komishanku ku hawl galayey, diyaarinta Agabkii lagu galayey Doorashada iyo Diwaaangelinta u tartamayaasha jagada Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka. Tallaabooyinkan oo ay ku tilmaameen tallaabooyin ku dhac leh oo uu Madaxweynuhu qaaday, arrimahanina ay u adeegi doonaan Taariikh Nololeedkiisa iyo Dhaxal-reebka ay ummaddiisu ku xasuusan doonto.

Weftiga Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen sida ay ula dhacsan yihiin Wareegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray 30 September 2017 oo ay ku tilmaameen inaya ahaayeen “HIIGSI XASAASI AH OO AAD QARAN AHAAN GAADHEEN”. Ugu dambayntii Weftigii Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Madaxweynuhu qaabilay taageerada ay u hayaan in Somaliland ay ka dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah. Taasina ay kor u sii qaadi doonto Taageerada, Sumcadda, Karaamada iyo Kalsoonida ay Beesha Caalamku ku qabto JSL. Waxay ummadda Somaliland ku booriyeen in doorashada soo socota 13.11.2017 looga qayb qaato si nabad gelyo leh, iyagoo tartamayaasha ku dhiirri galiyey inay aqbalaan una hoggaansamaan natiijada ka soo baxda doorashada.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here