Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Kormeeray Haamaha Shidaalka Berbera iyo Xarunta Ciidanka Xeebaha, Kuna Soo Laabtay Caasimadda Hargeysa

0
905
Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa saaka soo kormeeray Mashaariic ka socota Haamaha Shidaalka Berbera iyo Xarunta Ciidanka ilaalada Xeebaha ka hor intii aanu dib ugu soo laaban Hargeysa. Waxa uu sidoo kale shalay kormeeray dekadda Berbera oo iyana laga wado Mashaariic.

 

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa faahfaahin ka siiyay hawlaha Haamaha Shidaalka, isagoo Madaxweynuhuna dhagax dhigay jid laami ah oo Haamaha Shidaalku hir galinayaan.

 

“Waxaa Madaxweyne inoo socda 5 Haamood oo aanu ku bixinay Koontaraaad ah laba kun afar boqol iyo lix iyo sodon Kun oo Dollar.shaqadiina waa taas socota oo shaqaalihii baa gacanta ku haya. Waxaa iyana ka mid ah Wadadii oo aanu lacagteedii hayno oo lagu dhamaystirayo boqol iyo lix iyo toban kun oo dolar, waana diyaar waanuna siinay kombanigii” ayuu yidhi Maareeye Saleebaan.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu soo kormeeray Xarunta Ciidanka Xeebaha ee Gobolka Saaxil.waxaanu halkaasi ku soo indho-indheeyay Doomo dheereeya oo Ciidanka ay Xukumaddu u soo iibisay.

 

“Doonyahan dhaqaaqooda ayaanu ku tusaynaa, waa doonyo dheereeya, waa kuwo meel kasta gaadhi kara iyo xuduudaha biyaheena oo dhan, horena umaynaan haysan waxayna ka mid yihiin wax qabadka dawladda ee cusub, maanta uu baynuna ciidan baddeed nahay” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Badda oo faahfaahin ka siiyay Madaxweynaha hawlaha ciidanka

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku bogaadiyay mashaariicda ay wadaan Masuuliyiinta Haamaha shidaalka iyo ciidanka wadooyinka “Aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa hawlaha aad wadaan, Allena ha idinku garab galo oo ha idinku guuleeyo. Markaa hawshaa halkaas ka sii wada, meel fiicana waad marinaysaane Alle ha idin la qabto” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Duhurnimadii maanta Hargeysa ku soo laabtay, iyadoo aanay jirin wax soo dhawayn ah iyo wax war ah oo laga soo saaray socdaalkiisa toona.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here