Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyay Hay’ad Cusub Masuulna U Magacaabay

0
1190
Madaxweynaha Cusub ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (HargeisaPress) —Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sameeyay Hay’adda cusub oo la yidhaa Hay’adda Duulista iyo Madaarada, isla markaana masuul cusub u magacaabay.

Sidaana, waxa lagu cadeeyey wareegto Madaxweyne oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay HargeisaPress, waxaanay u dhigneyd sidan:-

Wareegto Madaxweyne, Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY