Madaxweynaha Somaliland Oo Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geeridda Xaaji Cabdi Waraabe

0
815

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsiya u diray Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo  maanta ku geeriyooday   Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland.

Tacsi Madaxweyne: 10/05/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada.

Asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland.

Tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo,  wuxuuna caan ku ahaa nabadda  iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf.

Wuxuu ahaa oday halgan adag u soo galay   aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka  guurtida Somaliland.

Marxuumka ayaa ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale.

Waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY