Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray Waddada Ceerigaabo Ilaa Burco Oo Xukuumaddu Shaqo Ballaadhan Ka Waddo

0
1142

Ceel-Afweyn, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kooban ku sameeyey  waddada weyn ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, gaar ahaan duleedka Galbeed ee magaalada Ceel-Afweyn oo ay xukuumaddu ku waddo wajigii ugu dambeeyey oo laami ah.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa ay indhahooda kusoo arkeen qaabka ay shaqadu uga socoto waddada iyo dedaalka ay wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka iyo wakaallada horumarinta waddooyinku ay ugu jiraan dhammaystirka waddadaas oo meel fiican maraysa, waxana uu madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta waddada gacanta ku haysa, kuwaas oo si qoto dheer uga xog-warramay horumarka ay waddadu samaysay, caqabadaha haysta iyo sida ay ku gaadhikaraan hiigsidooda dhaw iyo midka fogba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo madasha uu ku kormeerayey hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka iyo hoggaanka Hay’adda horumarinta Jidadka oo isku duuban, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan diyaar ula yahay wax kasta oo la xidhiidha dhammaystirka waddada Ceerigaabo iyo Burco oo uu qaranku waqti iyo dedaal badan geliyey.

LEAVE A REPLY