Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Maalinta Dhiraynta Somaliland, Looguna Magacdaray GEED JANNADA KA BEER+ SAWIRRO

0
1469

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhiraynta Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Bisha Afraad(April)-2018.

Munaasibad ballaadhan oo ay soo agaasintay wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa,  isla markaana hal-ku-dheg looga dhigay GEED JANNADA KA BEER, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaybgalay, si uu bulshada ugu muujiyo muhiimadda ay leedahay maalinta deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu dhawaan wareegto madaxweyne kusoo saaray, isaga oo halkaas ka jeediyey hadal waano iyo wax sheeg isugu jira, ka hor intii aanu tiro dhir ah gacantiisa kaga beerin meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Mudane  Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta wasaaradda, waxana uu uga mahadnaqay sida uu xilka isaga saaray dhiirrigelinta dhiraynta iyo ilaalinta deegaanka oo fure u ah horumarka iyo nolosha bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa  iyaduna ku dheeraatay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii loo daryeeli lahaa guud ahaanba deegaanka iyo duur-joogta dalka, isla markaana loola dagaallami lahaa dabargoynta lagu hayo dhirta oo dhuxul laga shito.

Wasiirku waxa ay shaaca  ka qaadday inay kor u kacday isticmaalka bulshada reer Somaliland ee dhinaca tamarta  oo mustaqbalka qorshaysan in lagaga baxo baahida bulshada ee dhinaca dhuxusha oo dhirta laga shido, isla markaana ay wasaarad ahaan meesha ka saareen badiba dhibaatada dhul-boobka ah iyo dabar-goynta lagu hayo dhirta oo halbowle u ah nolosha dadka iyo duunyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal mahadnaq, dhiirrigelin iyo waano isugu jira ka jeediyey xuska maalinta qaran ee dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu horrayn wasaaradda deegaanka ugaga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay soo noolaynta bilicda deegaanka iyo la dagaallanka gumaadka lagu hayo dhirta, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa wasaaradda deegaanka oo muujisay dedaal badan sidii ay dalka ugu soo celin lahayd deegaan-nimadiisii oo ay la dagaallantay xaalufka iyo abaaraha,  wasaaraddu waxa ay dedaal weyn u gashay sidii aan dhirta iyo duur-joogta loo dabar-goyn lahayn, kuwaas oo ah labada inoogu muhiimsan, dhammaanba shaqaalaha wasaaradda iyo madaxdooda aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa.”

Madaxweynuhu waxa  carrabka ku ballaadhiyey faa’iidada ay dhirtu u leedahay nolosha Bani’aadamka, waxaana uu bulshada ku adkeeyey in qof waliba uu geed beero,“Maanta waxa ay ila tahay qof wal oo reer Somaliland ah oo aan reer guuraa ahayn geed buu beeri karaa, haddii uu qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero waxa hubaal ah in dhulkeenu noqonayo dhul doog ah oo laga yaabo in abaaruhu ka yaraadaan, waayo culimada deegaanku waxa ay xaqiijiyeen in meeshii dhiri joogto uu roob joogo, sidaas darteed waxaan ku talin lahaa qof wal oo qaan-gaadh ah ama qof wal oo meel deggeniba in marka uu guriga dhisto uu ku daro geed, gaar ahaan magaalooyinka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana si xeel dheer u sharraxaya muhiimada ay dhirtu u leedahay jiritaanka noolaha dhulka oogadiisa ku sugan, waxa uu yidhi, “Dadka magaalada gaar ahaan buu xil u saaran yahay inay dhir beeraan oo waliba shaaricyada waaweyn meherad kasta horteeda uu geed weyn  oo caleen lihi ku yaallo, si aynu uga baxsanno aafada Technology-ga, intaas waxa dheer marka uu imika roobku qaado magaalooyinka cidhiidhiga ah baabuurta maraysaa waxa ay kicisaa siigada intaad aragteen le’eg oo suuqu waa wada siigo, haddii aynaan dhir beerinna sambabada dadka magaalooyinka ku nool waxa ka buuxsamaysa siigo, laakiin dhirtu waa wax Ilaahay abuuray oo nadiifisa hawada, sidaad darteed maanta waxa aynu xoogga saaraynaa inay noqoto maalin qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero, dhammaanba muwaadiniinta reer Somaliland meel wal oo ay joogaanba waxaan ka codsanayaa inay ku dedaalaan dhir-beerista.”

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu farriin gaar ah u diray cid kasta oo ku foogan goynta dhirta iyo oodista goobaha xoolo-daaqeenka ah, waxaana uu kula dardaarmay in dhulka aanay waxba ka beeraynin ee ay oodanayaan ka waantoobaan, “Dadka reer miyiga ah ee dhulka oodaya ee geedka galoolka ah jaraya ee ku oodaya meel aanay waxba ka beerayn oo laga yaabo inuu qabo rajo ah balloodho ayey noqon doontaa, waxaan ku waanin lahaa dhirta inaanay iska jarin, dhulkana Ilaahay waxa uu yidhi manaafacaadsada ee xanniba muu odhanin, dhulkana in la xanniba ma aha, markaa ama dhulka umaddii lahayd ha wada daaqda, ama wax kasoo saara, labadaas wixii u dhexeeyaa waa qalad. Dadkaas reer miyiga ahna waxaan kula talin lahaa waar aakhirona waa dambi, Ifkiina xoolihii iyo dadkii waa caddibteene markaad ka ooddo ee aad waxba ka beeri weydo aakhiro waa dambi, ifkiina dadkii baad isku qabsanaysaane taas hallaga daayo.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY