Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Qarixii ka Dhacay Buuhoodle

0
868
Somaliland President H.E Muse Bihi Abdi (Photo File)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay qarixii xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, gaar ahaan  qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku geeriyooday qaraxaasi Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad taama ka siiyo kana dulqaado dhibta iyo xanuunka soo gaadhay.

Madaxweynuhu  waxa uu laamaha amniga ku adkeeyey inay baadhitaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen, gacantana ku soo dhigaan ciddii ka danbaysay falkaasi argagaxa ku abuuray bulshada gobolka Buuhoodle iyo dalkaba.

Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here