Madaxweynaha Somaliland Oo Ilaalinta Hantida Qaranka Kulan Kala Yeeshay Masuuliyiin kala duwan

0
1077

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilland MD Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa masuuliyiinta sare ee hay’adaha Xeer ilaalinta, Hanti dhawrka iyo Komishanka Maamul Wanaaga kulan kala yeeshay sidii hantida qaranka loo ilaalin lahaa xilliga kala guurka.

Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daaranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga, dabagalka iyo xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.

Iyadoo ay hay’ad walba leedahay xil iyo masuuliyad uu dastuurka qaranku ku waajibiyey haddana madaxweynuhu wuxuu lagama maarmaan u arkay, sidii ay saddexdan hay’adood uga wada hawl geli lahaayeen in hantida qaranka la lunsado maadaama muddo xileedkii xukuumadani uu dhamaad ku dhawdahay.

Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo Xeer ilaalinta Qaranka wuxuu Madaxweynuhu si adag u faray in Hay’ad walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay ahayd.

Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida ummadda waxa u xil saaran  xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir ku xigeenka madaxtooyada, Mudane Axmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’adaha saddexda ah.

Dhammaan saddexdaa hay’adood ee madaxweynuhu la kulmay waxay si buuxda oo mug leh u ayideen  hadalkii waayeelnimo iyo dardaarankii madaxweynuhu uu usoo jeediyey, waxaanay saddexdan hay’adood ballan qaadeen inay dardar gelin doonaan hawlaha ay qaranka u hayaan islamarkaana ay laba jibaari doonaan wada shaqaynta u dhaxaysa dhexdooda si looga hortago lunsiga iyo ku takrifalka hantida qaranka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here