Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo ah U Diray Ummada Islaamka ah

0
877

Hargaysa (HP): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo u diray guud ahaanba dadka reer Somaliland meel kastoo ay joogaan iyo guud ahaanba ummada islaamka ah munaasibadda Ciidul Fidriga awgeed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo caawa soo saaray muuqaal uu ugu talo galay munaasibadda Ciida oo ay baahisay warbaahinta madaxtooyadda Somaliland ayuu guud ahaanba ummada islaamka ah gaar ahaana dadka Somaliland waxa uu ALLE uga baryay in uu ciida ciideedda farxad iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

Halkan Ka Daawo Dhambaalka Hambalyadda Ah Ee Muuse Biixi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here