Madaxweynaha Somaliland Oo Dawladda Xamar Uga Digay In Ay Soo Faro Geliyaan

0
787

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga digay hogaamiyeyaasha dawladda Soomaaliya in ay isku dayaan faro gelin ay ku soo sameeyaan qaranimadda Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in aanay Somaliland ahayn dad iyo dal ay cid kale u taliso, isla markaana  aan bulshadda reer Somaliland lagu cabsi gelin Karin tallooyin ay soo gaadheen shaqsiyaad aan metelin oo meello qarsoodiya wax ku soo fuliya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maanta khudbad u jeedinayay boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay fagaaraha magaaladda Burco oo ay ku soo dhawaynayeen isaga iyo wefti uu hogaaminayo safar ku jooga Burco.

Isagoo ka hadlayay dhibaatooyinkii uu taliskii Siyaad Bare u gaystay ummada Somaliland iyo isku dayadda ay hadda wadaan madaxda federaalka Xamar, waxa uu yidhi “Ma nihin dad loo taliyo oo uu nin kale waxooda metelayo.

Malaha  waanad ogayn wixii dalka ka dhacay, kumaankunkii diyaaradaha lagu laayay, kuwii aqalladu ku dumeen, kuwii buuraha lagu laayay.  Iyagoon waxba galabsan iyo ummulihii la dooxay iyo dhallinyaradii boqol boqolka la isugu xidhayay,  ee qaar iyagoo nool la gubay”.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay bulshadda Somaliland in ay meel uga soo wada jeedsadaan isku dayadda la doonayo in lagu kala qaybiyo dadka shacabka ah.

“Dadka  Somaliland na waxaan leeyahay dhexda waxaynu u xidhanaynaa in aan la inagu cabsiin cid baa midoobaysa iyo niman faq-faqa, iyadoo aan innaga la ina arkaynin” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here