Madaxweynaha Somaliland Oo Badhasaabada iyo Maayarada Dalka Kala Hadlay Sidii Loo Hir Galin Lahaa Diwaan Galinta Madaniga ah + SAWIRRO

0
1006

KULAN MADAXTOODAHargeisa,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Maayarada iyo Badhasaabada Gobolada dalka. Kulanka ayaa ku saabsanaa u gogol xaadhida Diwaangalinta madaniga ah iyo sidii dadka loo fahansiin lahaa.

Masuuliyiinta Gobolada iyo degmooyinka ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale la lafagureen sida ugu haboon ee loo qaybin karo goobaha diwaan galinta Gobolada iyo wacyi galinta dadweynaha.

kul32

Madaxweynaha Oo Masuuliyiinta Gobolada iyo degmooyinka la hadlayay ayaa ku guubaabiyey sidii ay xil iskaga saari lahaayeen hawsha qaran ee ah diwaan galinta madaniga ah oo la filayo inay dhawaan bilaamato.

“ Badhasaabada iyo Maayarada Gobolada iyo degmooyinka, aad iyo aad baan marka hore idiin soo dhawaynayaa.Arintani waa hawl qaran oo inoo wada taala, ilaalinta nabad galyada iyo wada jir kuna aad bay muhiim u tahay.hawshana wixii looga baahnaa wasiiradaa aad u sharxay, markaa waxaan rajaynayaa in sidii la idiinku faahfaahiyey ee la idiin sheegay aad kuligiin ku hawl gashaan oo meel looga soo wada jeesto oo hawshaasi waa hawl qarane xil iska saaro. Markaa dee Xilkaa ina saaran aanka soo wada baxno” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

kulan 54

Diwaan galinta Muwaadiniinta Somaliland ayaa la filayaa inay dhawaan bilaamato,iyadoo qalabka iyo shaqaalaha la wada gayn doono goobaha loogu tala galay Bishan sida wasiirka daakhiligu sheegay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here